Borama University

Borama University

Share

10/06/2026

πŸŽ“ FURSAD DAHABI AH OO MAR LABAAD DIB LOO FURAY!

Master Scholarship Program-ka ay iska kaashanayaan Lincoln University Malaysia iyo Borama University ayaa dib loo furay.

πŸ’» Waxbarashada waxaa lagu bixinayaa habka Online iyo Offline.

⏳ Diiwaangelintu hadda way furan tahay, boosaskuna waa xaddidan yihiin.

πŸ‘‰ Hadda Iska diiwaangeli Linkgan :
https://learning.boramauniversity.com/course/register-scholarship-master-programs

04/06/2026

πŸŽ“βœ¨ Maanta Jaamacadda Borama University waxay si guul leh u qabatay Barnaamijka La-talinta Ardayda Form 4 ee dugsiyada sare ee magaalada Boorama.

Boqolaal arday ah ayaa ka faa’iidaystay barnaamijkan oo diiradda lagu saaray hagidda waxbarashada sare, doorashada takhasusyada iyo qorshaynta mustaqbalka.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ardaydii ka soo qaybgashay iyo Ustaad Abdirahman Sameeco oo bixiyay casharro iyo talooyin qiimo leh.

πŸŽ“ Borama University – Hoyga Aqoonta

03/06/2026

Maalinka Barri 8da subaxnimo iyo Hoolka Jaamacadda Borama , la wadaag Ardayda Sanadkan Fasalka 4aad Ee Dugsiga Sare

02/06/2026

Ma tahay arday sanadkan u diyaar garoobaya Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 4-aad?

Miyaad rabtaa inaad barato hababka ugu wanaagsan ee maamulka waqtiga, diyaarinta imtixaanka, iyo sidii aad guul uga gaadhi lahayd yoolalkaaga waxbarasho?

Jaamacadda Borama waxay kuu qabanaysaa kulan aqooneed gaar ah oo loogu talagalay ardayda dugsiyada sare ee magaalada Boorama.

🎀 Martida Kulanka:
Cabdiraxmaan Sameeco
(Aqoonyahan iyo Bare Sare)

Kulankan waxaad ka faa’iidaysan doontaa:
βœ… Talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan diyaarinta imtixaanka
βœ… Sida loo dhiso kalsooni iyo niyad wanaagsan
βœ… Hababka lagu yareeyo culayska iyo walbahaarka imtixaanka
βœ… Faham qoto dheer oo ku saabsan qorshaynta mustaqbalka waxbarasho
βœ… Dhiirrigelin iyo hagid kaa caawinaysa inaad gaadho guul dhab ah

πŸ“ Goobta: Campus-ka Jaamacadda Borama
πŸ“… Taariikhda: 04 June 2026 (Subaxa Khamiista)
πŸ•— Waqtiga: 8:00 AM

Ha seegin fursaddan qiimaha badan ee kuu horseedi karta guul iyo mustaqbal ifaya.

Ku soo dhawoow Jaamacadda Borama – Hoyga Aqoonta iyo Horumarka.

Want your school to be the top-listed School/college in Borama?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Sh Ali , Faaraxyo
Borama