NADIR Institute Of Safety

NADIR Institute Of Safety

Share

Photos from NADIR Institute Of Safety's post 29/11/2025

๐ƒ๐š๐› ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ค๐š๐œ๐š๐ฒ ๐๐š๐›๐š๐ช ๐‡๐จ๐ง๐  ๐Š๐จ๐ง๐  ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐š๐š๐ฅ

Dab xoogan ayaa ka kacay guri deganaansho ah oo dabaqa, kana kooban sideed dabaq oo ku yaalla Hong Kong, dabku waxa uu ka dhashay cillad koronto (Electrical Fault), waxa uu sababay dhimashada 128 qof oo uu ku jiro qof dabdemiye ah, dhaawaca 79 qof oo dadkii goobta deganaa iyo dabdemiyeyaal ah, barakicinta 4,600 ilaa 4,800 oo qof oo dhismaha deganaa.

Khasaaraha dabka waxa sii kordhiyey, Dhismaha oo duug ahaa, jaranjarooyinka oo alaab lagu xannibay/xadhay, iyo nidaamyada dabka sheega (Fire alarms) oo aan shaqaynayn, nidaamka qiiq saarista guriga (Smoke extraction) oo aan shaqaynayn, jidka gurmadku usoo maraayey oo cidhiidhi ahaa (Access difficulties).

Baadhista hor dhacaha ah ayaa sheegaysa, in dhismaha uu ka socday dayactir, sidoo kale la isticmaalay shabag (Green mesh), Iyo walxo kale oo ah nooca sida fudud u gubta.

Laamaha amaanka, iyo haayadda la dagalaanka musuq maasuqa ayaa ilaa hadda xidhay 11 qof oo ay kamid yihiin, maamulka shirkaddii dhismaha, la-taliyeyaashii dhismaha, iyo qandaraaslayaashii.

01/06/2025

๐’๐š๐Ÿ๐ž๐ญ๐ฒ ๐…๐ข๐ซ๐ฌ๐ญ!
๐„๐ ๐ซ๐ž๐ฌ๐ฌ

E-gress-waxaa loola jeedaa dariiq socdaal oo joogto ah oo aan cidhiidhi ahayn kana bilaabmaya meel kasta oo dhisme ah ilaa meel nabdoon oo ka baxsan. Waxa kamid ah ka bixista iyo gelista dhismayaasha.

Egress waxa uu ka kooban saddex qaybood oo kala ah: -

โ€ข ๐„๐ฑ๐ข๐ญ ๐€๐œ๐œ๐ž๐ฌ๐ฌ- (Dariiqa baxsadka)โ€“ Waa dariiqa kugu hagaaya inaad ka baxdo goobta sida wadooyin ama marino(luuq).

โ€ข ๐„๐ฑ๐ข๐ญ โ€“ Jidka ilaashan sida jaranjarooyinka iyo albaabada bixista (e.g., stairwells, exit doors) taas oo qofka dibadda uga saaraysa dhismaha.

โ€ข ๐„๐ฑ๐ข๐ญ ๐ƒ๐ข๐ฌ๐œ๐ก๐š๐ซ๐ ๐ž-Qaybta u dhaxaysa ka bixitaanka dhismaha iyo dariiqa dadweynaha ama meel bannaan oo badbaado leh.

๐๐จ๐๐จ๐›๐š๐๐š ๐ค๐š๐ฅ๐ž ๐ž๐ž ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐ž๐ ๐ซ๐ž๐ฌ๐ฌ, ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐จ ๐ช๐จ๐ซ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐š๐ง๐›๐ž.
โ– Ahmiyadda uu u leeyahay dhismayaasha
โ– Sidee loo xisaabiyaa inta loo baahanyahay.
โ– Shuruucda la xidhiidha isticmaalkiisa.
โ– Shuruudaha Albaabada Baxsad.

21/12/2024

๐Œ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐›๐š๐š ๐ข๐ง ๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ ๐ฅ๐š๐›๐š ๐ฌ๐š๐ง๐จ ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ, ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐œ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž ๐ญ๐ข๐ซ๐จ ๐›๐š๐๐š๐ง, ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐ซ๐ค๐จ๐จ๐ ๐๐ก๐š๐š๐ฐ๐š๐œ๐ฒ๐จ ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ฌ ๐š๐ก ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐๐ก๐š๐š๐ง.
____________________________________________
"Shaqaalaha waxa jiray qaar ku dhaawacmay, qaar daanku jabay, qaar cagaf dul martay, goob shaqo weyn ka socoto waad qiyaasi kartaa" Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeysa-Max'ed Cali Darood.
______________________________________________
Dhibaato weyn ayaa ka jirta goobaha shaqada ee wadanka, lamana dareensana. Waxa jira kumanaan qof oo goobaha shaqada ku dhibaatooba, caafimaad darro ka qaada, shilal kala kulma, ama dhimashaba kasoo gaadho, haddana inooma tirsana.

Dhanka shilalka gaadiidka waxa jira haayado tira-kooba, baadhis ku sameeya, ganaaxyo saara cidda qaldan, laakiin goobaha shaqada cidna ma xisaabiso.

In aynu maqalno mashruuc laba sano oo kali ah socday, kana yar lacag 3 Million ah, ayey dhaawacyo culus soo gaadheen shaqaale badan, waa war aan lagu farxayn. Inta badan waxa lagu qiyaasaa mashruuca hal Million oo saacadood oo shaqo (1,000,000 hrs) inta dhibaato ee dhacday sida, dhimashada (Fatality), dhaawacyo culus( series injury), dhaawacyada fudud (Firs aid injury), dhaawacyada caafimaad ee dhakhar loo galo (medical treatment), inta saacadood ee qof kaga maqnaado xanuun (Lost time injury), taasina waxa ay muujisaa hab dhaqanka bedbaado ee mashruucaas ama shirkaddaas.

โ—Sida uu qeexayo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee JSL, Xr 31/2020 " loo shaqeeyuhu waa in uu sameeyo deegaan ku habboon shaqada oo aan wax dhibaato ah u lahayn nabadgelyada iyo caafimaadka qofka shaqaalaha ah, sidoo kale waa in uu sameeyo wax kasta oo suurto gal ah ee lagaga hortagi karo khatar ka timaadda goobta shaqada".

โ— Waa daryeel masulliyadeed (Reasonable care) in la ilaaliyo bedqabka qofka soo shaqo tagay, oo uu goobta shaqada ka noqdo isagoo nabadqaba.

โ—Waa in wax laga bartaa shil kasta oo dhaca, la qoraa warbixintiisa, lana baadhaa, wixii laga bartana la saxaa si looga hor tago in uu mar kale dhaco shilkan oo kale.

โ—Waa in ay jiraan haayado qaranka u qaabilsan ilaalinta, daba galka iyo daryeelka bedqabka iyo caafimaadka shaqaalaha, loona gudbiyaa dhib kasta oo ka dhaca goobaha shaqada.

15/05/2024

Calaamadaha Bed-baadada (Safety Signs) ee Goobaha Shaqada iyo muhiimadda ay leeyihiin.
_____________________________________________

Calaamadaha bed-baadadu waa tilmaamo muuqaal ah oo gudbiya xogo bed-baado oo muhiim ah, oo uga digaya shaqaalaha iyo dadka kaleba, khataraha ka iman kara goobta.

Calaamadaha bed-baadadu waa kuwo aad muhiim ugu ah bedqabka shaqaalaha, qandaraaslayaasha, iyo cid kasta oo goobta timaadda.

Waxa aynu halkan kusoo bandhigi doonnaa SADDEX sababood oo goobta shaqadu ugu baahantahay calaamadaha bed-baadada.

1.Waxa ay kordhinaysaa aqoonta: Ka soo qaad in aad goobta ku cusubtahay, calaamaduhu waxa ay ku siinayaan xogo dheeraad ah oo aad ku garan karto khatarta goobta ka jirta, waxa ka reeban iyo waxyaabaha lagaaga baahanyahay.

2.Waxa ay noqon karaan kuwo shilka ka hor taga: si kasta oo shaqaalaha loo tababaro, haddana waa in si joogto ah loo xasuusiyaa hab-raacyada shaqada iyo khataraha goobta ka jira, sida xawaaraha lagu soconayo, sida loo isticmaalayo qalabka iyo wixii la mid ah.

3.Waa sharci in la isticmaalo: Waddamo badan, ayey qasab tahay in loo shaqeeyuhu isticmaalo calaamadaha bed-baadada, si loo yareeyo shilalka, haddi laga tago oo sidaas shil ku dhaco waxa ay mutaysan karaan ganaax.

01/05/2024

01-May-2024.
Maalinta shaqaalaha adduunka.

Maamulka NADIR INSTITUTE OF SAFETY, waxa uu hambalyo u dirayaa maalinta dhammaan shaqaale weynaha adduunka gaar ahaan soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

Maalinta shaqaalaha adduunka waxa ay ILO, hal ku dhig u qaadatay sanadkan, in la xasuusiyo loo shaqeeyayaasha, sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda shaqaalaha.

Mudane Loo shaqeeye,

โ—Bixi deegaan shaqo oo bedbaado iyo caafimaad u ah shaqaalaha.
โ—Hubi mushaharka shaqaaluhu in uu caddaalad yahay.
โ—Sii shaqaalaha Faa'idooyin iyo Fursado siman.
โ—Ilaali xuquuqda shaqaalaha, kuna dhaqan xeerka shaqaalaha.
โ—Kor u qaad caafimaadka shaqaalaha, oo sii fursado Tababar.

Want your school to be the top-listed School/college in Berbera?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Berbera