Xogsidaha - Sheikh Media

Xogsidaha - Sheikh Media

Share

03/07/2026

Nimco mohmed abdilahi

02/07/2026

DIB-U-HABAYNTA IMTIXAANAADKA QARANKA

Qaran qish aqbalay wuxuu aqbalay musuqmaasuq."

1 Hordhac

Imtixaanaadka Qaranku waa aaladda ugu muhiimsan ee lagu cabbiro heerka aqoonta ardayda, tayada waxbarashada iyo waxtarka manhajka qaranka. Haddii nidaamka imtixaanaadku noqdo mid caddaalad ah, hufan oo lagu kalsoon yahay, wuxuu kor u qaadaa kalsoonida bulshada, jaamacadaha iyo suuqa shaqada. Haddii uu daciifo, waxaa dhaawacma sumcadda shahaadooyinka iyo tayada waxbarashada qaranka.
Sidaa darteed, dib-u-habaynta imtixaanaadka qaranku waa arrin istaraatiiji ah oo saameyn ku leh mustaqbalka jiilka soo koraya iyo horumarka Somaliland.

2 Xaaladda Hadda Jirta
Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar muuqda oo ku saabsan nidaamka imtixaanaadka qaranka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira caqabado u baahan in wax laga qabto si loo xaqiijiyo hufnaan, caddaalad iyo tayo joogto ah.
Waxaa ka mid ah:
Qishka imtixaanaadka oo dhaca,arday ,waalid,macalin,maamule dugsi waa u heegan arintaas,waana wax laga xumaado.
Kayd su'aalo (Question Bank) oo xaddidan.
Falanqayn cilmiyeed oo kooban oo lagu sameeyo tayada su'aalaha.
Adeegsiga tiknoolajiyadda oo aan weli si buuxda u hirgelin.
Xog ururin iyo cilmi-baadhis kooban oo ku saabsan natiijooyinka imtixaanaadka.

3 Caqabadaha Waaweyn

Qishka Imtixaanaadka
Qishku wuxuu dhaawacaa caddaaladda, kalsoonida bulshada iyo tayada waxbarashada. Ardayga ku gudba qish ma matalo aqoontiisa dhabta ah, taasina waxay saamayn taban ku yeelataa jaamacadaha iyo suuqa shaqada.
Qishku waa aafo weyn oo wadanka Somaliland ku habsatey,sanadba sanadka ka dameeya ayuu sare u kacayaa.
Waxaynu noqon wadan qish ku najaxa oo musuqmaasuq aafeeyey.

Qiimaynta Aqoonta
Imtixaannadu waa inay cabbiraan fahamka, falanqaynta, hal-abuurka iyo xalinta dhibaatooyinka, halkii ay ku koobnaan lahaayeen xifdinta xogta.
Adeegsiga Tiknoolajiyadda
Dunidu waxay u guuraysaa nidaamyo dijitaal ah oo kordhiya hufnaanta, yareeya khaladaadka, isla markaana adkeeya amniga imtixaanaadka.

4 Talooyinka Siyaasadeed
1. National Question Bank
In la sameeyo Bangiga Qaranka ee Su'aalaha, oo ay diyaariyaan khubaro kala duwan, lana cusboonaysiiyo si joogto ah. Tani waxay sare u qaadaysaa tayada su'aalaha iyo caddaaladda imtixaannada.
2. Digital Assessment System
In si tartiib tartiib ah loo hirgeliyo nidaam dijitaal ah oo lagu maamulo diyaarinta, kaydinta, qaybinta, sixidda iyo falanqaynta imtixaanaadka.
3. Examination Research Unit
In la dhiso Waax Cilmi-baadhis oo daraasayn joogto ah ku samaysa:
Heerka guusha ardayda.
Tayada su'aalaha.
Sababaha guuldarrooyinka.
Kala duwanaanshaha gobollada iyo dugsiyada.
Natiijooyinka daraasadahani waa inay hagaan siyaasadaha waxbarashada.
4. Item Analysis
Su'aal kasta waa in lagu sameeyaa falanqayn cilmiyeed si loo ogaado:
Heerka adkaanta.
Awoodda ay u leedahay kala saarista ardayda.
Saxnaanteeda.
Ku habboonaanta manhajka.
5. La-dagaallanka Qishka
Waxaa lagama maarmaan ah:
In la adkeeyo anshaxa imtixaanaadka.
In la isticmaalo tiknoolajiyadda casriga ah.
In la tababaro kormeerayaasha.
In la dejiyo ciqaabo cad oo ka dhan ah qishka.
Qaran qish aqbalaa wuxuu halis gelinayaa caddaaladda, tayada waxbarashada iyo horumarka mustaqbalka.
6. Artificial Intelligence (AI)
Wasaaraddu waa inay daraasad ku samaysaa sida AI looga faa'iidaysan karo:
Falanqaynta natiijooyinka.
Ogaanshaha khaladaadka.
Kor u qaadista tayada qiimaynta.
Hagaajinta maamulka imtixaanaadka.
7. Hubinta Tayada (Quality Assurance)
Waa in la sameeyo nidaam joogto ah oo lagu qiimeeyo:
Tayada imtixaanaadka.
Tayada sixitaanka.
Kalsoonida natiijooyinka.
Hufnaanta maamulka.

5 Doorka Golaha Wakiillada
Golaha Wakiilladu wuxuu door muhiim ah ka qaadan karaa:
Dejinta sharci casri ah oo nidaamiya imtixaanaadka qaranka.
Kormeerka hufnaanta iyo daahfurnaanta imtixaanaadka.
Hubinta in miisaaniyad ku filan loo qoondeeyo casriyeynta nidaamka imtixaanaadka.
La xisaabtanka Wasaaradda Waxbarashada si loo xaqiijiyo hirgelinta dib-u-habaynta.

6 Gunaanad

Imtixaanaadka Qaranku waa muraayadda lagu cabbiro tayada waxbarashada dalka. Haddii nidaamku noqdo mid hufan, casri ah, caddaalad ku dhisan, isla markaana ka madax-bannaan qish iyo musuqmaasuq, wuxuu kor u qaadi doonaa kalsoonida bulshada iyo sumcadda waxbarashada Somaliland.
Dib-u-habaynta imtixaanaadku ma aha oo keliya hagaajinta habka qiimaynta; waa ilaalinta caddaaladda, dhiirrigelinta dadaalka, iyo dhismaha jiil leh aqoon dhab ah oo horseedi kara horumarka Somaliland.

Anigoo maanta oo khamiis ah oo la xidhayo imtixaanaadkii qaranka ee fasallada dugsiyada sare sanad dugsiyeedka 2025/26,waxaan leeyahay si guud gurmad bey u baahan tahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo ardaydeyna Somaliland oo dhan.

Ujeeddada warbixintan ma aha dhaliil ama eedayn cid gaar ah, balse waa in waalidiinta, bulshada, iyo hay'adaha dowladda loo iftiimiyo heerka dhabta ah ee ay marayso waxbarashada.
Warbixintu waxay ku salaysan tahay dareen masuuliyadeed iyo dan qaran, iyadoo ujeeddadeedu tahay in la aqoonsado caqabadaha jira, lana dhiirrigeliyo xalal wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo tayada waxbarashada.

Waxaan rumaysanahay in horumar waara lagu gaadhi karo oo keliya marka la ogaado xaqiiqada jirta, si wadajir ahna loogu hawlgalo hagaajinteeda.
Sidaa darteed, warbixintani waa baaq ku wajahan waalidiinta, bulshada, iyo dowladda inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta iyo horumarinta tayada waxbarashada, maadaama ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisayo mustaqbalka Somaliland.

QORAAGA IYO KHIBRADDIISA
Magac: Dr. Abdirizak Mohdi Essa
Tacliin:
BSc Biology & Chemistry (1987, Jaamacadda Lafole)
MSc Researcher
Takhasusyada Cilmiyeed:
Microbiology
Hematology
Biochemistry
Immunology
Mashruuca Thesis-ka:
Immunity
Khibrad Shaqo:
Senior Medical Supply Chain Officer
Ministry of Education – Somalia
Ministry of Health – UAE
SEHA Company (Abu Dhabi Government)
Rafed Health Brokerage Company (Abu Dhabi Government)
Mudada Khibradda:
44 sano
Khabiirnimo:
Caafimaadka
Waxbarashada

Want your business to be the top-listed Photography Service in Berbera?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Berbera