Tabarak Academy
21/11/2024
Tabarak Academy.
# Hambalyo Ku Aaddan Maalinta Macallinka #
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan macallimiinta geesiyada ah ee juhdiga iyo dedaalka u hura sidii ay u hagi lahaayeen jiilalka soo socda. Macallimiintu waa iftiinka bulshada, horseedna u ah kobaca aqoonta, dhaqanka, iyo mustaqbalka dalkeenna.
Macallinow, waxa aad tahay laf-dhabarta horumarka; dulqaadkaaga, samirkaaga, iyo dedaaladaada lama iloobi doono. Waxaan kuu rajaynayaa caafimaad, farxad, iyo guul joogto ah.
**Maalinta Macallinka Ha Noolaato!**
Waxaad mudan tihiin sharaf iyo qadarin aan dhammaanayn.
_21-November-2024_CD.
"Waxbarta aan barwaaqo gaarnee"
TABARAK ACADEMY.
Kalmadihii qiima lahaa ee uu soo jeediyay maamulaha schoolka Universal Al-ustaad "Cabdulqadir juruxoow" waxa uu ka hadlay faa'idada uu leeyahay caafimaadka iyo faaidada luqadda carabiga.
Dafcaddii 1aad ee Tabarak Academy .
07/07/2023
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
{Xaflad Qalin-jabin}
Waxaa shalay oo tariikhdu ku beegneyd 06/07/2023
qabsoomay xafladda qalin-jabinta dufcaddii 1-aad ee Academy-yadda Tabarak.
Ardayda qalin badalaneysay ayaa gaaraysay Ku dhawaad 60 arday oo isugu jirtay qeyb ka qalin badalatay barashada "luqadda carabiga" iyo qeyb
" General health" caafimadka guud ka qalin badalatay.
Xafladda oo si heer saraa looso qaban-qaabiyey ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan, maamulada jaamacadaha, maamulada dugsiyada waxbarasho, waalidiin, macalimiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka kuwaas oo duco, dardaaran iyo balanqaadba inta ay xaflada socotay u jeediyey Ardeyda qalin-jibineysay.
Ugu danbeyn waxaa ay ardeyda qalin badaleynaysay shahaado sharaf gudoonsiiyeen maamulka iyo macalimiinta
Academy-yadda Tabarak.
(Saw inaan cilmiga doonanaa dowga Qura maahan).
Hg:Tabarak Academy ugu imaw Tacliin tayo iyo toosnanba leh.
Sawiro Q--- {1}
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Beledweyne