Embassy Of Somalia In Italy
Celebrating my 6th year on Facebook. Thank you for your continuing support. I could never have made it without you. 🙏🤗🎉
07/08/2025
Dhagayso: Waraysi Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Mudane Ibrahim Shegow
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Mudane Ibrahim Shegow, ayaa waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Qaranka Soomaaliyeed (Radio Muqdisho), isagoo si qoto dheer uga hadlay:
Hawlaha baaxadda leh ee ay safaaraddu ka wado Talyaaniga,
Xaaladda iyo adeegyada jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga,
Iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya 🇸🇴 iyo Talyaaniga 🇮🇹.
Waraysigan waxa uu iftiiminayaa doorka muhiimka ah ee safaaraddu ku leedahay kobcinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo taageeridda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda.
🎧 Dhagayso waraysiga oo dhammaystiran:
Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga Ibraahim Cumar oo la hadlay Radio Muqdisho. Ku soo dhowaada SNTV kala soco Warar, Barnaamijyo iyo Falanqeyn ku saabsan dalka iyo dibadda.Item ID: FCVNSMLAuthor Username: ...
23/07/2025
Danjire Eng. Ibrahim Cumar Shegow oo Booqasho Sharafeed iyo Hambalyo Sanad Guuro u Gudbiyey Dhigiisa Masar ee Roma
Danjire Eng. Ibrahim Cumar Shegow, Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, ayaa maanta booqasho sharafeed iyo hambalyo sanad guuro ugu tagay Danjire Cisam Basam, Safiirka Jamhuuriyadda Masar ee fadhigiisu yahay Rome.
Kulanka ayaa lagu adkeeyey xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliyeed iyo Masriyeed, waxaana laga wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada:
✅ Dhaqaalaha
✅ Waxbarashada
✅ Amniga
Safiirka Masar ayaa dhankiisa muujiyey sida dalkiisu mar walba u garab taagan yahay Soomaaliya iyo rabitaankeeda horumarineed.
Clicca qui per richiedere la tua inserzione sponsorizzata.
Digitare
Contatta l'azienda
Telefono
Sito Web
Indirizzo
Rome
305,00192
Orario di apertura
| Lunedì | 09:00 - 16:00 |
| Martedì | 09:00 - 16:00 |
| Mercoledì | 09:00 - 16:00 |
| Giovedì | 09:00 - 16:00 |