Somaliatrucks

Somaliatrucks

Condividi

17/07/2024

[16/7, 13:17] Abdiaziz
Soddonkii gu'bey
Ku saqiirtayoo
Saaka waa marxuum
Soomaalilan

Firkaan saxnayn
Een lagu salayn
Soomaali nimo
Oo saancaduhu
Ku sumee lahaa

Saxalkii baxyoo
Socan waakufrigu
Sixirkuu watoo
Soomaali weeyn
Soo noqotayaa
Saarkiyo markale
Mideeyaa la suray
Sool iyo sanaag
Iyo saaxiliyo
Buuhood salal
[16/7, 13:17] Abdiaziz:
Wey sogordoheen
Sebi iyo dhalaan
Makas iyo sabool
Waxa lagu sasabay

Been saafiyiyo
Sidaneey ahayd
Siir nacayb dartii
Waa laydin sugay
Sax waxaan ahayn
[16/7, 13:17] Abdiaziz:
Soconwaa kufrigu
sixirkuu dhigoo
Saxalkii baxyoo
Soomaali weeyn
Soo noqotayoo
Saakiyo markale
Mideeyaa la suray
Hargeeysiyo saraar
Seylac iyo berbera
Sabarada bucana
Sacab looga tumay
[16/7, 13:18] Abdiaziz:
Sawrac iyo nasabad
Sinji dhashoiyo
Ciriq sii fogbaa
Isku soohayoo

Ma salguurtoo
Seed iyo lafbeey
Isku saabantoo
Cadow saaf damcaa
Kala saari waa
[16/7, 13:18] Abdiaziz:
Soconwaa kufrigu
sixirkuu dhigoo
Saxalkii baxyoo
Soomaali weeyn
Soo noqotayoo
Saakiyo markale
Mideeyaa la suray
Hargeeysiyo saraar
Seylac iyo berbera
Sabarada bucana
Sacab looga tumay
[16/7, 13:19] Abdiaziz
: Suul dhaarigii
Bey sumal xadoo
Siriq loo dedfey
Ku yar siibatee

Dib in loo sexeey
Sargooyadu ahayd
Nin saluugeyoo
Soli waayey xumo
Qadaf lagama sugo
[16/7, 13:19] Abdiaziz:
Soconwaa kufrigu
sixirkuu dhigoo
Saxalkii baxyoo
Soomaali weeyn
Soo noqotayoo
Saakiyo markale
Mideeyaa la suray
Hargeeysiyo saraar
Seylac iyo berbera
Sabarada bucana
Sacab looga tumay

24/09/2023

Aduunyada alla haga
Inaad hilinka toomoon
Heshaa waa iraadoo
Waa hibo ilaahay
Hindisiyo aqooniyo
Awoodaada kuma hanan
Iyo haybta dhalashee
Hadba saad u dhaqtiyo
Xisaab aan hareyn iyo
Hawl weeye kuu taal
Dhigo kuu hadoodilan
Berti iyo hadhow oo
Hadii aad masuul tahay
Marna hadafka nololeed
Hibashada dorraad iyo
Hebelaysi reer iyo
Ha ku dhererin maalmaha
Kuu hadhay aduunkoo
Lama oga heddaadee
Aakhiro ha moogaan
Ilaahay ha laga boqo

Vuoi che la tua azienda sia il Azienda più quotato a Parma?
Clicca qui per richiedere la tua inserzione sponsorizzata.

Indirizzo


Via Kennedi
Parma
43100