Maxamed Calikaley
Magaladani waa jigjiga waana magaalo dadkeedu labo labo telfan iyo labo labo Sim Car kabadan ay wada wataan kuwaas oo adan helaynin hadii aad wacdo sabatoo ah fariin codeed ayaa ugu wada xidhan
Waa magaalo dhalinyartu ku badantahay labiskana aad looga xiiseeyo oo qabow iyo kulaylba waxaad arkaysaa rag ;Taygu u giigsan yahay hadan qof kasta oo dhaxdu ugiigsan tahay si adagna u labisan shaqale ma ahan qof walaba oo shaqo la'aan ahana shaqo walaba ma rabo mid magacaabis moyane
Xarumaha lagu shaaheeyo (Cofe shop) waxaad ku arkaysaa aadna u buux dhafiyaay rag lawada leeyahay Xildhiban, agaasime, ugaas, suldaan, garaad iyo siyaasi dhamantodna mid darajada (Title) loogu yeedhayo uu saxan yahay ama run yahay ma jiro oo waa wada af macanaysi iyo khayali isku mada daalin
Aqoonyahanka, siyaasiga, oday dhaqamedka, ganacsadaha, xamaaliga, dhalinyarta, masuliyinta iyo dhamaan shacabkuba waa kuwo hadii aad u bahato howlina kaa gasho mid walaba ku dhahayo shir ayaan ku jiraa ee waa ino markale
Gadiidkeeda ubadani ee bulashadu isticmashana waa bahal 3 lugoolay ah oo bajaj la yidhaahdo, gaadidka raaxada isaga inta wadataayi waa faro kutiris halka gaadidka kale yahay mid dowladu ledahay
11 gobel iyo 93 dagmo ee deganku ka kobanyahay dadkiisii oodhan ayaa isugu yimaday magaalada madama casimadii tahay ayagoo waliba wada shaqo radisa hadan shaqooyinkii farsamo ku xidhnaa oo dhan waxaa maamula dad qowmiyado kaleeto ah sidoo kale ganacsigii aas aasiga aha oo dhan dadkas ayaa gacanta kuhaya meel walaba oo faras magalo ah waxaa ku ganacsanayo qof qowmiyadaha kale ee dalka ah ilaa suuqyada xafadaha ee basasha iyo xabuubta laga gato haba ahadanee hadan 70% dadkii deganka udhashay waada camal la'aan waxayna isku maa weliyaan fursad shaqo abuur ayaan jirin
Fadhi ku dirirku waa waxa ugu cajibsan uguna magaca iyo sumcada badan ee lagu hayo magaalada waxa kaliyee dhalinyaradu ka sheekay sataan maalmahan danbe waa hebal baa Darbiga Maxco ka booday iyo hebal baa jimcadan baxaya iyo waliba isu marxabayn, Waa runtaa oo walahi joogis malaha magaladu oo'de kii ina hebal ahaa ee wasirka u aha ayaa mid xun noqdoo dhalinyaradii reerkaba aan waxba tarin masirkii reerkana baylihiyay iyo ruuxa maa la inaga badalo iyo madaxwaynaha ayaa watee yaa la hadli kara
Waxaad arkaysa qof labo telfan iyo labo sim kabadan wata oo hadan fariin codeed kuwada xidhay hadii lawacana aan lahelaynin hadana mid kale ku eedayna habel telfanada ayuu xidhaa
Sidoo kale magaladu aad ayay ufidaysaa oo hormar xowli ah ayaa ka socda hadana waxa kaliyee laga macaasho ayaa ah dhulka madaama ay aad usii baladhanayso magaladu
Qurba jogtu ayada samayn wayn kuma laha magalada oo waa mid xil radisa oo madaxwaynaha isla soo sawira iyo mid layaaban nolashan dadku kunool yihiin ee uu sanooyin un mogaana ama sanoyin kahor uu isagu kunolaa een is badalin
Siyaasad ahaan waaxaa lagu xidhan yihiin Adiss ababa oo warka iyo isbadalkaba halkas ka ayaa laga dhowraa lagana sugaa
Waxa kaliyee la isku amano ma ahan hebel isbadal ayuu sameeyay iyo hebal hormar ayuu dadka iyo degankana kusoo kordhiyay ama xafiis hebal waxaas ayuu qabtay ee kaliya waxaa la isku amaana hebal waa nin gacan furan oo shaxaadka ka waayi maysid oo intaas oo qof ayuu magalka kuhayaa la isma waydiiyo hable hadii waxa uu manta hayo bari waayo maxaa inoo
Jigjiga waa magaalada 85% dadkeedu aysan qabanin lambarada aan u seef garaysnan hadana lanbarkooda intay kuu qoraan ku dhahaya maad isoo wacdid markaad wacdo ee ay kaa qaban wayaana cududaar kaga dhigaya telfanka aan seef ii ahayn ma qabto 🙋♂️
✍ Qoordhere
12/04/2023
Nabi Muhammad ﷺ wuxuu kula taliyay Musliimta iney booqdaan masjidka Al Aqsa, wuxuuna u yaboohay salaadaha iney ku tukadan sida uu tilmaamaayo xadiiska ay wariyeen Muslim &Bukhaari.
Rasuulka scw wuxuu leeyahay saddex Masjid u gal safar : Masjidkeyga oo ku yaala {Madina}, Masjidka Barakeysan ee {Makkah} iyo Masjidka Al Aqsa {Qudus}.)) Xadiiska ay wariyeen Muslim & Buqaari.
Salaada aad ku tukato masjidka Al Aqsa waxa aad ka heleysaa naxariis balaaran iyo abaalmarin halkii salaad oo u dhigmata 5,000 oo salaadood aad ku tukato masaajida kale.
Masjid Al Aqsa meesha uu ku yaalo waa magaalada Qudus waa meeshii Rasuulkeena Muhammed Scw looga gudbiyay habeenkii dheelminta [Israa wal micraaj]. Musliimta waxey rumeysanyihiin in Nabi Muhammed Scw laga soo waday habeenkii dheelminta magaalada Makkah oo uu u sii gudbay masjidka Al Aqsa inta lagu guda jiray habeenkii dheelminta halkaas uu Rasuulka uga sii gudbay Samada .
01/02/2023
I have reached 600 followers! Thank you for your continued support. I could not have done it without each of you. 🙏🤗🎉
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jijiga