Ahmed Rashid page
20/01/2026
Ciidamada ICE ee Minnesota oo barafka ku jiiday nin ay u dhaceen gurigiisa Nin deggan gobolka Minnesota ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters shalay inuu dareemay cabsi, ceeb, iyo rajo-beel, maalin ka dib markii saraakiisha socdaalka ee ICE ay albaabkiisa ku jebiyeen qoryo, ay katiineeyeen, ka dibna ay ku jiideen barafka isagoo xiran buume iyo kabaha guriga lagu joogo.
ChongLy Thao, oo 56 jir ah, una dhashay Mareykanka (isagoo isticmaala magaca Scott), ayaa sheegay in gurigiisa dib loogu soo celiyay galabnimadii Axadda iyada oo aan wax sharraxaad ah ama raalligelin ah la siin.
"Waan duceysanayay. Waxaan lahaa, Ilaahow fadlan i caawi, wax khaldan ma sameyn. Maxay sidan iigu sameynayaan? Anigoon dharkayga qabin," ayuu Thao, oo ah nin u dhashay qowmiyadda Hmong ee dalka Laos, ugu sheegay Reuters isagoo joga gurigiisa Isniintii, xilli deriskiisu ay ku mashquulsanaayeen hagaajinta albaabka jabsan.
Sawirrada dhacdadan oo muujinaya Thao oo dhar la'aan ah, bustena ku duuban, kuwaas oo ay qaadeen sawir-qaade ka tirsan Reuters iyo dad goob-joogayaal ah, ayaa ku faafay baraha bulshada. Tani waxay sii kordhisay walaaca laga qabo in saraakiisha amniga federaalka ay ku xad-gudbayaan awooddooda qayb ka ah ololaha socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump, kaas oo lagu geeyay ilaa 3,000 oo sarkaal agagaarka Minneapolis.
Bayaan ay soo saareen qoyska ayaa waxay dhacdadan ku tilmaameen mid "aan loo baahnayn, meel-ka-dhac ah, isla markaana argagax weyn ku reebtay." Heerkulka ugu sarreeya ee Saint Paul maalintii Axadda wuxuu ahaa 14 darajo Fahrenheit. Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in saraakiishu ay baritaanno ku hayeen labo dambiile oo h**e loogu xukumay dambiyo galmo oo ku sugnaa ciwaankaas, uuna muwaadin Mareykanka ah oo halkaas degganaa diiday in laga qaado faraha ama aqoonsiga wejiga, sidaas darteedna loo xiray.
"Wuxuu u ekaa sharraxaadda dadka la raadinayay. Sida hay'ad kasta oo sharci fulin ah, waa hab-maamuus caadi ah in la hayo dhammaan shakhsiyaadka ku jira guri hawlgal laga fulinayo si loo sugo ammaanka dadweynaha iyo kan saraakiisha," ayay afhayeenka DHS Tricia McLaughlin ku tiri bayaan ay soo saartay.
04/01/2026
Maxay yihiin Ciidamadda Delta ee la sheegay inay qabteen Maduro , basle ku guuldareystay qabashadii Janaraal Ceydiid? Delta Force waa unug hawlgalo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo diirada saaraya ugu horrayn xoraynta la haystayaasha iyo la dagaallanka "argagixisanimada," iyo inta badan hawlgalladooda.
Qeybtan waxaa la aasaasay 1977-kii, kuwaas oo uu asaasay Kornayl Charlie Beckwith, oo arkay baahida loo qabo ciidan weerar ah oo sax ah oo ka dhisan ciidanka dhexdiisa, waxayna ciidamadaan la shaqeeyeen Adeegga Hawada Gaarka ah ee Ingiriiska sanadkii 1970-meeyadii, taas oo qayb ka ah isweydaarsiga khibradaha milatari ee u dhexeeya Washington iyo London, iyo in lagu daydo Adeegga Cirka ee caanka ah ee British Special Air Service.
Delta waxa ay ku shaqo leedahay burburinta unugyada argagixisada, sahanka istaraatiijiga ah iyo diyaarinta hawlgalada goobta dagaalka, laakiin waxa ay sidoo kale ka qaybqaadataa hawlgalada samatabbixinta la haystayaasha iyo hawlgalada qarsoon ee CIA.
Ciidankan gaarka wuxuu hoos tagaa Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Ciidanka Mareykanka (USAOC), laakiin waxaa gacanta ku haya Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC)
Hadafka koowaad ee Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC) waa in ay qabtaan hawlgallo halis ah oo ka dhan ah argagixisada, halka Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka (USAOC) uu diiradda saaro dagaalka aan caadiga ahayn, difaaca gudaha, dibada iyo ka hortagga fallaagooyinka.
04/01/2026
Taariikhda siyaasadeed ee Maraykanku waxa ay ka buuxa dhacdooyin badan oo ku saabsan faragelin iyo duullaan lagu qaadoay dalal shisheeye si loo sooqabto hoggaamiyayaal kala duwan. Hawlgalladan ayaa inta badan dhaliyay dood ballaadhan oo caalami ah, iyadoo qaar ka mid ah dalalkaas ay xaaladdasi cadho iyo cabsi isku u abuurtay, xilli dhinacyada kalena yaab ay u ahayd fargelintaasi.
Dhinaca Maraykanka, tallaabooyinka lagu soo qabto hoggaamiyayaasha shisheeye waxaa badanaa loo arkaa kuwo lagu ilaalinayo ammaanka guud, lagu cidhibtirayo dambiyada uu galay ama lagu xakameynayo rabshado sii kordha. Si kastaba ha ahaatee, hawlgalladan waxa ay sidoo kale dhalleeceyn kala kulmeen hay'adaha caalamiga ah iyo qaar ka mid ah daneeyayaasha, kuwaas oo su'aal geliyay madax-bannaanida dalalka iyo aasaasiyaadka sharci ee tallaabooyinkan.
Qabashada hoggaamiyayaasha badanaa waxa ay ka dhalataa cadaadis siyaasadeed ama dacwado sharci ah, oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, ku xadgudub xuquuqeed ama dambiyo dagaal. Taariikhdu waxay muujinaysaa in Maraykanku adeegsaday habab kala duwan, laga bilaabo hawlgallo ciidan, duqeymo cirka ah ilaa tallaabooyin sharci, si loo hubiyo in hoggaamiyayaashaas lala xisaabtamo.
Dhacdada hadda taagan ee la xidhiidha qabashada Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, waxay muujinaysaa qaabkan. Hawlgalka Maraykanku waxa uu diiradda saaray ganacsiga sharci-darrada ah, xakamaynta kheyraadka dalkaas, iyo ka saarista hoggaamiye lagu eedeeyay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.
Dhacdadan waxay caddeyneysaa in taariikhda qabashada hoggaamiyayaasha shisheeye ay weli sii socoto. Panama waxa ay ahayd tusaale toos ah, halka dalal iyo hoggaamiyeyaal kale, saameynta Maraykanku ay si cad u muuqatay.
04/01/2026
Muddo bilo ah, basaasiinta Mareykanka ayaa isha ku hayay tallaabo kasta oo uu qaado madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.
Koox yar—oo ay ku jireen hal il oo ka tirsan dawladda Venezuela, ayaa la socotay halka uu ninka 63-jirku seexdo, waxa uu cuno, waxa uu xirto, iyo xitaa, sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo sar-sare, "xayawaankiisa rabaayadda ah."
Dabadeed, horraantii Diseembar, hawlgal la qorsheeyay oo loo bixiyay "Hawlgal buuxa ee Xalinta" ayaa la dhammeystiray. Wuxuu ahaa natiijada bilo qorshayn taxaddar leh iyo tababbarro isdaba joog ah, kuwaas oo xitaa ay ku jireen ciidamo Maraykan ah oo heer sare ah oo howlgal ku sameeyey cabir saxa oo la mida hoyga qasriga Qaranka Maduro ee Caracas, si ay ugu tababartaan waddooyinka ay ka geli lahaayeen.
Qorshaha—oo ahaa faragelin milatari oo aad u weyn oo Maraykanku ka sameeyo Latin America, mid aan la arag tan iyo xilligii Dagaalkii Qaboobaa—ayaa si aad ah loo ilaaliyay. Kongareeska lama wargelin mana lala tashan ka hor. Markii faahfaahinta saxda ah la dejiyay, saraakiisha sare ee milatarigu waxa ay si fudud u sugayeen xaaladaha ugu habboon ee lagu bilaabi lahaa hawlgalka.
Waxay doonayeen in ay si buuxda u kordhiyaan qodobka lama-filaanka, sida ay saraakiishu sheegeen Sabtidii.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Address
Jijiga
00251