Gallaadi Tv

Gallaadi Tv

Share

15/03/2026

Kuwani waa musharixiinta uga sharaxan Xisbiga PP degmada Gallaadi.

Mid kamida 5sano kahor markii la doortay ayaa ugu danbaysay shacabka degmada Gallaadi iskadaa hormar uu u qabtee maanta marlabaad ayuu cod ka doonayaa asagoo aan hal mashruuc u qaban.

Musharixiintan degmada ay ka sharaxanyihiin waxaa ka jira jiilaal aad u kulul iyo abaar adag. Bulshada magaaladu maanta ayaga oo ku sugan degmada ayay bananbax roob doona samaynayeen ayaguna kaar qaadasho ayay u dareereen.

Musharixiintan degmada ay ka sharaxanyihiin mudo bil ah waxaa jirta laydh la'aan ayada oo lagu jiro bishii Ramadan dadkuna soo manyihiin wuxuuna laydhku u dansanyahay Shidaal la'aan kaliya.

Musharixiintan degmada ay ka sharaxanyihiin dhamaanteed waxaa ka xirmay wadooyinkii laga soo galayay oo waa geerigo'an.

Musharixiintan degmada ay ka sharaxyihiin waxaa ka jira six barar kii ugu darnaa dadkuna dhaqaalo yaraan bay la ildaranyihiin.

Musharixiinta degmada ay ka sharaxanyihiin
Shaqaalaha degmadu 2bilood mushaar ma qaadan ayada oo ciidii taagantahay wuxuuna mushaarkii u xanibanyahay madaxafiiseedkii degmada oo shaqadii laga joojiyay bilaa sabab mid cusubna aan loo soo magacaabin halkaasna ay ku dhibaatoodeed shaqaalihii.

Musharixiintan degmada ay ka sharaxanyihiin waxaa ka jirta biyo la'aan ad u daran ayada oo jilaal lagu jiro.

Bulshada reer Galaadi maanta waxay haystaan fursadii ay kula xisaabtami lahaayeen Xildhibaan.

Halkan isha ku hay.

12/03/2026

Musharax xildhibaan Najib Abdirzak Ali waa musharax madaxbannaan oo ka sharaxan Dagmada Galaadi. Waa xubin dhalinyaro ah oo firfircoon, leh aragti fog, karti hoggaamineed iyo dadaal joogto ah oo uu ugu adeegayo bulshada. Najiib wuxuu astaan u yahay rajada iyo mustaqbalka dhalinyarada, isagoo mar walba u taagan horumarka, midnimada iyo danaha shacabka.

Reer Galaadiyow, waa shaqsi mudan in la taageero lana garab istaago. Waa in loo codeeyaa si uu u noqdo codka iyo matalaadda shacabka, una horseedo degmada Galaadi horumar iyo isbeddel wanaagsan.

Gallaadi Tv

Want your business to be the top-listed Media Company in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Street 12
Addis Ababa