Somali Addis News
17/12/2023
Shirkada isku magacawday Qaybta deegaanka ka aasan ayaa caadaysatay falal xatooyo iyo b**b cad oo ay ku hayaan Qaar kamid ah hantiga bulshada.
iyada oo aynu oganahay mahadhadii ka dhacday Nidaamyadii cayn kan oo kale ahaa oo aynu ka warqabno intii hanti lagu dhacay ayaa waxaa maanta soo baxay Nidaamka isku magacaabay Live good hadaba maxay qabataa live good?.
1-Waxay ku odhanayaan Waa inaad lacag 7000birr ah ama ka badan keento oo aad isku diwaan galiso marka uu ruuxu isdiwaan galiyo ayay hadana waxay ku xidhayaan 4 shaqsi oo kale inuu keeno oo mid walba 7000birr laga qaadao Markaad intaa qabato ayay waxyar oo lacaga kuu bilaabi.
2-Cilmiga kale ee ay tani kaga eelo xuntahay shirkadii Dhaca u gaystay bulshada sida Tiashtii China, fasikadiii axmaarada, Appkii cm oo dhamaantood ba dhac baahsan u gaystay bulshada tan waxaa u dheer lacagta marka h**e shaqsiga lagu duwaan galinayo waa inuu soo xado.
3-Waxaa loo calaamadin mid kamid ah accountoyada USDD ga ah ee deegaanka ka jira waxaana loo sheegi inuu si farsamaysan uuga soo dhaco lacag lagu duwaan galiyo, qaarkood lacago ayay dadka dhexmariyaan, Qaarkood waxay sameeyaan b**b iyo dhac badheedh ah iyaga oo sixir isticmaalaya, falal aragagax leh oo aan lagu arag dhamaan Shirkadihii ka h**eeyay ee umada soo dhacay ayay tani ku sifaysan tahay.
Hadii alle idmo waxaanu idiin soo gudbin doonaa Cadaymo lacago ay dhaceen iyo falal sharciga baalmarsan oo ay ku hawlan yihiin, sidoo kale waxaanu idinla wadaagi doonaa dhalinyarta ay hantiga ugu badan ka dhaceen ee ay dabo yaacaan mar marka qaarkoodna ay dad ku madhabaan daba socda.
"TUUGADII ISKU MAGACAWDAY LIVE GOOD, EE BOOBKA IYO XATOOYADA CAADAYSTAY AYAY XAALADU KU XUNTAHAY"!!!.
"Haydaha sharciga deegaanku Isha haku hayaan dhibaatada iyo Dhaca baahsan ee ay shirkada Live good ku hayso dhalinyarta deegaanka, B**b, Xatooyo iyo dhac cad bay umada ku hayaan, Maanta hadii aan wax laga qaban waxaa hantidooda ku waayi doonta dhalinyaro badan oo maanta hanti haysta, Hay adaha amaanku Wax haka qabtaan tuugadan"!!!.
"Hadii alle idmo waxaan Qormooyin ku bayaamin doonaa dhaca iyo b**bka ay umada ku hayaan, falalka sharciga baalmarsan ee ay caadaysteen, Hadii alle idmo waxaanu banaanka keeni doonaa ficilo aad aad uula yaabi doontaan iyo cadaymo aad ka fajaci doontaan"!!!.
17/12/2023
"Qolyahan isku Magacaabay Live Good Waxay ka shaqeeyaan Xaaraam Maxdi ah, Waxay b**b iyo Xatooyo baahsan Ku hayaan Qaar kamid ah dhalinyarda deegaanka u dhalatay, waxay ka shaqeeyaan walaalkaa inoo soo xad aan wax kaa siiyee, Tuuganimadii iyo Xatooyadii ayay banaysteen"!!!.
"waxaan digniin u diraynaa dhalinyarta ku hawlan Xatooyadan iyo Xaaraamtan cad Walaalayaaloow Xatooyo iyo tuuganimo cid ku taajirtay maynaan arag ee yaan aakharadiina la idin seejinin, Dhalinyartan Falalkan caadaysatay waxaanu u sheegaynaa hadaad xatooyada joojin waydaan Cawaaqib xumada ka dhalata inaad idinku masuul ka noqonaysaan"!!!.
01/12/2023
Gabayga la magac baxay "Naftaydaay Hadaan kuu Waramo", Waxaa Tiriyay AUN Abwaan Sangub, Abwaanku waxa uu gabayga tiriyay Markii laga soo baxay Somali galbeed 1977, Wakhtigaasi waxay ahayd Markii uu Migiste Shacabkii soomaaliyeed laayey, Gabaygu markii H**e waxa uu ku joogay "Naftaydaay Hadaan kuu waramo", Balse markii uu arkay abwaanku kuwo somali sheeganaya oo dane shisheeye fulinaya oo ay Noqotay ka dar oo dibi dhal.
Ilayn markii h**e Waxaa ku dilayay Cadaw ay cadahay cadaawadiisu balse Waxaa Cajab iyo amakaag noqotay markii la arkay Nin aad dhalasho Wadaagtaan kana Fog, Kana Xun kii ku dilayay ee Cadawga kuu Ahaa, kaas oo ay Garashadiisu aad u liidato, intaa kadib Wuxuu abwaanku Tiriyay gabaygan:-
Qof Waaraa Adduunyada Ma jiro, kaligii Joogaaye.
Wehel male Cidlay kaaga tegi oo Wad baa jira e.
Wakhtigan lagu dhaxay leedahaye, Waayo joog Male' e.
Waagii baryaayiba Naftuu waykan leeyahay'e.
Walbahaar kunool bàad tahoo , waa lagaa wadiye.
Wakhtigii baryaa shuqul horluu soo Walwaal yahay'e.
Wanaageedu Waa dhowr Cisho, Walanwalhaysaaye.
Wadla-Kulantu Waa Caadadeed, Way ku weerariye.
Way lagama waayiyo farax laba-wajiileey'e.
Weysadaada Qaado yaa ka roon inaad Wareertaaye.
Wadna dhagaxa-Aadami wuxuu diiday Waanada'e.
Wadanigu Madaalee, Haddana waykan Maantana e.
Waryaaduba marbay kuu dhib tahoo lagu Wareeraaye.
Wadkaagii marbuu kugu Noqdaa, Saxasho Maagtaaye.
Waxba Nimaan ogayn iyo dhallaan Weyd Ma koriyaane.
Nimaan Weliba dhalan baan U qori buugan aan wado e.
Oon weelka kaydka ah ku shubi Waa danbe-Xusuuse.
Waddanigu Ma daalee, Hadana waykan Maantana e.
Wid Dhurwaa Haddii aad Tidhaah waabayoo Cararye.
Guumaysigu Hadii waran la daro wuu walwalayaaye.
Wadnaha oo rasaas lagala dhacaa Waajibkiis ahe.
W/Q:- Somali Addis News
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Bole Street
Addis Ababa