Idris Alteeso

Idris Alteeso

Share

14/04/2025

JIGJIGA – Fardowsa Mataan, oo ah hooyo Soomaaliyeed iyo haldoorka bulshada ka tirsan, ayaa habeenkii 8aad u hoyanaysa xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga, kaddib markii ay si geesinimo leh uga hadashay dhibaato ay ciidamada Deegaanku ugu geysteen gurigeeda, halkaas oo xili habeenimo ah loogu dhacay iyadoo aan wax amar sharci soo qabasho ah la haysan.

Fardowsa ayaa la xiray kadib markii waraysi ay si toos ah ugu sheegtay xadgudubka ay kala kulantay ciidamada deegaanka, taasoo keentay falcelin weyn oo ka timid bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka iyo dibaddiisa.

Waxaa maanta si yaab leh u hadlay dhacdadaan Komishineerka Booliska Deegaanka, Cabdi Cali Siyaad (Gafeydhe), oo la kulmay odayaal dhaqameed ku dadaalayay sii daynteeda.
Gafeydhe ayaa si cad u sheegay in:
“Fardowsa ay u xidhan tahay Madaxweyne Mustafa Cagjar, oo aanu isagu sii deyn karin,” hadal muujinaya in xadhigeeda aanu sal ku lahayn sharci, balse uu yahay mid siyaasadaysan, laguna beegay si loo caburiyo codkeeda.

Hadalkan waxa uu sidoo kale daaha ka rogayaa sida hay’adaha amniga iyo cadaaladda ee DDS ay ugu shaqeeyaan dano gaar ah, iyagoo adeegsanaya awood sharci-darro ah si loo aamusiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sheegaya xaqooda.

Wixii kusoo kordha kala soco…

14/04/2025

Jigjiga university!!

Ardayda jaamacada jigjiga ku dulman , walaalayaal xaq ma aha in boqol arday oo qudha ay isu soo baxaan oo ayagana dhib loo gaysto.
Hadii aad xal dhab ah rabtaan Waa in aad dhamaantiin isu timaadaan.
2 kun oo arday ciidana ma hor istaagi karo maamulka jaamacada ee tuugta ahna idinma hor istaagi karaan .
Raysal wasaaruhu in uu toos hawshiina u galo waad awoodaan.

Idinku in aad dhamaantiin badheedhaan oo aad isu soo baxdaan ma awoodaan?!!

Maamul hawshaa hogaamiya samaysta
Marka koobaad .
Xerada Ciidanka Qaranka ee jigjiga ku taal la xidhiidha usheega in aad dhib wadin balse aad xuquuqdiinii si nabad ah ku raadinaysaan.
Usheeg in boqol arday ah oo gabdho ubadan la jidh dilay xabsiga Lagu hayay todobaad.

Usheega in ay idiin raacaan jaamacada maadamo uu ina cagjar ina adeerkii bashiir ciidan ugu hiilanayo .

Isu Bax joogta ah sameeyaa .

Intaa Hadii la idinka helo
Wlhi idinkaa la idin baryi bashiir iyo tuugta kalena Waa la eryi.

Hadiise inta badan ay seexato waxoogaha arday ahna soo baxaan
Dee ina cagjar ciidan idin laaya wuu haystaa si uu ina adeerkii ugu hiiliyo.
Maalinta aad dhamaantiin isusoo baxdaan ayaad guusha haleeli doontaan .
Wabilaahi Tawfiiq.

✍️ Midnimo web TV

09/04/2025

Waa Fariin ku wajahan ardayda jaamacada jigjiga.

መልእክት ለጅግጅጋ ዩኒቨርሲቲ ተማሪዎች.

Dhamaantiin sii share gareeya si ay ardayda uwada gaadho.

, & 👇

Idris Alteeso
Sadaam Hamza Ahmed

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Addis Ababa