Miro Gantaal
DOOLLO & ISKA HORKEENKA BEELEYSAN
Muddooyinkii u dambeeyay gobolka Doollo waxaa ka taagnaa jahwareer siyaasadeed oo kasoo askumay guddoomiyaha gobolka Doollo C/laahi Deeq Beercad (Shamuuri), bulshada deeggaanka oo kasoo horjeeda hab-maamulka C/laahi, isla markaane dalbanaya isbadal maamul in laggu sameeyo maadama bulshadu ay u arkaan hoggaamiye ka leexday saaxidii siyaasadeed ee gobolka kune mashquulsan danno shaqsiyaad oo gaar ah.
MAXAA CUSUB:-
Rug-caddaagan caanka ku ah iska horkeenka bulshada, khibrad badane ka haysta abuurista xasaradaha iyo qal-qal gallinta bulsho nabdoon ayaa edahaas dul hogganaya ubadalay Waji kalle isagoone dusha ka saaray mid kamida Beelaha Bariga Doollo C/laahi ayaa jifadiisa mid-mid dhagta uugu sheegay in jifada In beelaha qaar ay ku wadaan kacdoon uu ku tilmaamay iney ka xun yihiin magacaabid uu dhawwaan Gallaadi ka sameeyay isla markaane ay edeynayaan iyagu waa siduu hadalka u dhigaye,si jifadiisu arrinkaas uugu arkaan colaadne uugu qaadan walalahooda Kale is qab-qabsigaasne uu isaga sii jeediyo Indhaha Madaxtooyada isagoo ku tilmaamaya arrin ay ka dambeeyan shaqsiyaad uu rabo innuu qoorta usuro Qorigaas dabkaa ee uu gacantiisa ku shiday.
Waxaa xusid muddan in dhammaan beelaha dagga gobolka ee Harti,Ogaadeen,Abayoonis,Mareexaan iyo leelkasabe ay aad ooga soo horjeedan ficilada xasaradeed ee C/laahi iyagoone tiro dhowr jeera Heer deeggaan u gudbiyay codsi ku aadan in arrinkaan ay fara galliyaan, balse hoggaamiyahaan camero la ciyaarkaa ayaa hadbe kaar cusub xoqanaya, iyadoo maanta ay mareyso in Reerkisii mid-mid maxada iskugu suro.
Waxaa wax lagga xumaado ah in qabiil hal mida oo ballaaran isla markaane nabdoon kane wada shaqeynaya dannahooda lakala dhex dhigo xasarad ay suurta gal tahay in ay ku kalla go'aan kane dhex abuuranto Xamaasad beeleysan, C/laahine uu kalliya kaga dan lee yahay uune- ube arkin wax weyn oo reerkiisa sameyn ku ah, indhao iska jeedinta Madaxtooyada uun ay isaga dan u tahay.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Addis Ababa