Peace Media
25/06/2026
📢 Xisbiga Barwaaqada oo Ballanqaaday Fulinta Ballamihii Shacabka loo Qaaday
Mudane Fiqaaduu Tasammaa, Madaxa Waaxda Abaabulka ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqada iyo Guddoomiyaha Guddiga Isku-dubaridka Hay’adaha Federaalka, ayaa sheegay in xisbigu si hufan u gudan doono waajibaadkiisa taariikhiga ah isaga oo fulinaya ballamihii uu shacabka Itoobiya u qaaday.
Fiqaaduu ayaa xusay in shacabka Itoobiya ay doorashadii guud ee 7-aad ku doorteen nabad, dimuqraadiyad, horumar iyo maamul wanaag. Waxa uu tilmaamay in guusha doorashadu ay ka dhalatay dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen hay’adaha federaalka, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, xisbiyada siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah iyo shacabka Itoobiya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in doorashadu ku dhacday jawi nabdoon, xor iyo caddaalad ah, taasoo muujisay adkaanta hay’adaha dimuqraadiyadeed ee dalka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xisbiga Barwaaqadu uu sii wadi doono fulinta ballamihii uu shacabka u qaaday si loo xaqiijiyo horumar, nabad iyo maamul wanaag waara.
.
Peace Media
20/06/2026
‎Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (PhD) ayaa daah Furay App-kii ugu horreeyay Ee adeegyada Casriga ah ee Afrika
‎
‎Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in app-ka lagu daahfuray shir cinwaankiisu ahaa 'Casriyaynta heerka sare, isagoo sheegay in app-kan uu kulminayo adeegyada ay bixiyaan hay'ado kala duwan.
‎
‎Wuxuu sheegay in guushan weyn aysan ahayn oo keliya arrin uu ku faanayo dalkeenna laakiin sidoo kale ay markhaati u tahay heerka maalgashiga ku salaysan tignoolajiyada iyo ujeeddada cad uu gaari karo.
‎
‎Wuxuu sheegay in adeegga hal-goob, oo ah kaabayaal muhiim u ah dhaqaalaha, uu yarayn doono waqtiga muwaadiniinta, isla markaana uu meesha kasaari doono musuqa, iyadoo kor loo qaadayi doono kalsoonida iyo awoodaha hay'adaha dowladda.
‎
‎Waxa ugu muhiimsan, wuxuu tilmaamay inay tahay marag-fur cad in riyada Itoobiya aysan ahayn rabitaan kaliya, laakiin ay tahay xaqiiqooyin aan ku dhisi karno gacmaheena iyo awooddeenna.
‎
‎Waxaan ku baaqayaa inaan guushan xoojinno, waayo-aragnimadeenna aan la wadaagno walaalaheenna Afrika, isla markaana aan sii wadno dadaalka aan ku raadineyno natiijooyin ka wanaagsan, ayuu Ra'iisul Wasaaruhu ku yiri farriintiisa.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jijiga