Khaalid Aleeli
12/07/2026
Xoghayihii Daraasaadka Cudurrada khatarta ee xisbiga Kaah Mudane Cabdikhaalaq Cabdilaahi Maxamed ayaa si rasmi iskaga-casilay xilkii iyo xubin-nimadii xisbigaas.
Xogahaye Cabdikhaalaq ayaa qoraal kooban oo uu baahiyey ku yidhi:
“UJEEDDO:
ISCASILAAD XIL IYO XUBINNIMO
Aniga oo ah Cabdikhalaq Cabdilaahi Maxamed, waxaan halkan ku gudbinayaa iscasilaaddayda rasmi ah ee aan kaga tegayo xilkii aan ka hayey Xisbiga KAAH. kaas oo ahaa
Xoghayaha Daraasaadka Cudurrada Khatarta, iyo sidoo kale xubinnimadaydii XISBIGA KAAH.
Aniga oo ka mid ahaa halgamayaashii iyo xubnihii hormuudka u ahaa dhismaha Urur-siyaasadeedka KAAH, kana soo qayb qaatay dedaalkii iyo halgankii uu ururku kusoo gaadhay heerka uu maanta ku yahay Xisbi Qaran,
go'aankaygani muu ahayn mid fudud.
Si kastaba ha ahaatee, kadib markii aan si qoto dheer u qiimeeyey jihada siyaasadeed ee xisbigu qaatay, gaar ahaan mawqifkiisa ku aaddan arrinta ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland,
waxaan go'aansaday inaan gabi ahaanba si rasmi ah iskaga casilo xilkaygii iyo xubinnimadaydii Xisbiga KAAH.
Waxaan aaminsanahay in mawqifkaasi aanu ka tarjumayn himiladii iyo mabaadi'dii aan u soo halgamaynay tan iyo maalintii la aasaasay ururka,
isla markaana aan weli aaminsanahay in danta, midnimada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay mudnaanta koowaad”.
Alla mahadleh
Cabdikhalaq Cabdilaahi Maxamed
Klicken Sie hier, um Ihren Gesponserten Eintrag zu erhalten.
Kategorie
die öffentliche Figur kontaktieren
Telefon
Webseite
Adresse
Roswiesenstrasse 169
Zürich
8052