Hangool
Ilmo ku dhashay meher la'aan oo hadana ah ilmo sharci ah ama aan ahayn ilmo garac ah ama wacal iyo sababta uu ilmo sharci ah ku noqday.
Sh umal.
Sideed shey oo ay khasab tahay in la sameeyo xiliga hurdada ka hor si loo helo hurdo caafimaad qab ah.
09/12/2025
Aayadaha suuratu an-naxl waxaa ka mid ahaa in hilibka xooluhu (cunno) noo yahay. Laakiin shaqo u baahanyahay. Adduunka iyo aakhirada labaduba (shaqo iyo tacab) ayey rabaan. Taas ayeyna muslimiintu 14 qarni adduunka ku hoggaaminayeen. Laakiin sebenkan la joogo labada daaroodba tacabkoodii in badan ayaan gabnay.
Hilibka waxaa adduunku soo saaraa marka aan doofaarka ka reebno: 248 milyan oo ton. Sanadkii (2023) FAO. Geelu kuma jiro. Soomaalida oo adduunka dadka ugu xoolo badan ka mid ah, hilib ma dhoofiso laakiin xoogaa yar oo xoolo nool ah ayey dhoofisaa, markey ugu badnayd $300 milyan ayaa sannad laga helay qiyaastii.
Brazil keligeed: hilibka Lo’da (beef) wexey dhoofisaa 2.3 milyan ton, kana hesho: US$ 13.1 bilyan. Digaagga wexey dhoofisaa 4.8 milyan ton, ka hesho: US$ 9.7 bilyan, adhi badan ma laha, geelna iskaba daa. Australia ku xigta ilaa US$ 14 bilyan dhoofisa Lo’da iyo idaha.
Hargaha iyo dhogorta ha sheegin, suuqa hargaha keliya adduunka waa $550-600 bilyan. Uur ku jirta oo laga sameeyo alaabooyin badan, saabuun iyo cunnooyin xoolaha iwm.
Soomaalidu sidee uga faa’iidaysan karaan? Tusaale: Gobollada soomaalida ee kenya: sida wajir, garissa iyo mandhera, mexey fursado haystaan? Hal gobol oo dawlad dhexe ka tirsan iskiis ma uga shaqaysan karaa xoolaha sida puntland, ama galmudug ama jubbaland? Mase ka miisaaniyad badnaan karaa dawladda dhexe oo dhan? Oo haddii federaalku (mashruuc WB keliya) risiqiisa ku xiray, gobolka ma shaqaysan karaa? Dad hammi leh, oo qorshe leh, oo aragti leh cidina adduunka ma joojin kartaa?
Joogtayntu waa guusha nolosha. Wana shayda kaliya ee aad kaga fiicnanayso qofka ugu fiican.
"Ha isku shuqlin raadinta macneha guusha balse u yeel noloshaada macne iyo hiigsi”
09/09/2025
“Recep Tayyip Erdoğan, wuxuu ka soo baxay xilka Duqa Magaalada Istanbul wuxuu u dallacay Ra’iisul Wasaare, ka dibna Madaxweyne. Doorasho kasta waxay sii adkaysay xidhiidhka kalsoonida: wuxuu ku guulaystay dhammaan 15-kii cod bixin heer qaran ee uu tartamayay tan iyo 2003dii. Wuxuu jeclaaday dadkiisa; iyana wey aamineen. Wuu u adeegay; iyana mar walba wey doorteen. Calankoodii ayuu kor u qaaday; Iyana wey taageereen”. Hadalkan waxaan ku qoray buuggayga “Tartanka Ummadaha” Carabi & Ingiriisi.
Taariikhdu in ay meel fiican kugu qorto, hadal iyo dicaayad laguma helo. Mana la laaluushi karo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
19 Bergamot Avenue
Toronto, ON
M9W1W1