Suleiman Shire

Suleiman Shire

Share

05/06/2024

Waxani ma wax aan guntiisa la gaadhayn baa?! Labadii kal-fadhi ee u dambeeyey ajandaha waa ku jiraye. 10% matters!

04/29/2024

Gudoomiyoow saddex ayaa madaxnimadaada disha, sida soomaalidu ku maahmaahday: Gar weecsan, Guddoon jilicsan iyo gacmo laaban! Tan danbe cidina xaq kuu gu ma laha oo adigu hanti ma qaybisid, hasayeeshee labada h**e ku adkow in aad iska jirto.

Sharciga ku adkow oo ninna shaqadaada ha u hamran. Wixii sax kuu la muuqda, sharciga iyo maslaxadda dalkeena waafaqsan uun ku hogaami xubnaha aad horjoogaha u tahay.

Nin dhallinyaro ah oo mustaqbal siyaasiya leh ayaa tahay, caddaalad samee oo ammaanada, garsoorka iyo masuuliyadda madaxda lagaa ga dhigay ka ilaali in aad manfac dhaafsato. Aayahaaga iyo dalkaagaba u tudh oo iska ilaali in masuuliyadda laguu dhiibey Soomaalilaan eersato.
=========

04/28/2024

Talada aan idin siinayaa waa in aad Cabdikariim Axmed Mooge taageersaan oo u diidaan in ay fashiliyaan kooxaha danleyda ah ee siyaasadda ka shaqaysta. Waxa ay ku eedaynayaan waxa iyaga lagu eedeeyo, waayo! waxa ay rabaan in uu iyaga u ekaado. Sirtu waa intaa!

Maayar Mooge taageera xitaa haddii aanu wax weyn oo la taaban karo qaban. Waayo! Marka la eego baaxadda degmada Hargeysa, baahida ay qabto, dhaqaalaha loo hayo, dadkeeda oo u badan wadhato danyar ah oo culayska nololeed ee magaalada Hargeysa la daalaadhacaya, halbawleyaasha magaaladana daadsan oo halkii la taabtaada boogtahay, dhulkii danta guud ee dadkaa loo rari lahaa oo aan jirin (la laastay) iyo dagaalka kaga socda kooxahaa aan soo sheegay iyo jalaafooyinka isdaba jooga ah ee ay u dhigayaan, wax weyn laga fili maayo. Hasayeeshee laba shayba ku taageeraa!

1) In uu tijaabiyey waddo cusub oo ah in lagu tartami karo barnaamij siyaasiya ah iyo mudnaan shaqo (meritocracy). Waa in lagugu doorto barnaamij siyaasiya iyo karti shaqo ama aqooneed adiga aan lagugu xidhayn reer, hasayeeshee aasaasku yahay muwaadin reer Soomaalilaan ah oo degmadaa, gobolkaa ama magaalada a ku nool, shaqadana u qalma.

Isaga oo helikaraya dad reer ahaan ku doorta in uu iska diido, isaga oo waagaca Soomaalilaan ka war hayaa waa geesinimo aan cabdikariin looga horayn. In uu codka intaa le'eg ku soo baxaana waa calaamad muujinaysa sida ay dadku uga daaleen siyaasadda qabiilaysan ee lagu hoogey.

2) Waxa ay dhabaha u furaysaan in aad heshaan dad badan oo ay hammi u tahay in uu noloshiina dhiso. Haddii se jidkaasi awdmo waxa idiin hadhaya waayo-arag ayaa u tihiin oo cidi idiinka sheekayn mayso. Waa xaasilka nolosha aad 32 dabadeed haysaan. Waxa aynnu waaya-arag ku nahay in qof dan qabiil lagu boqray aanu hagaajinta nimaadka dawladnimada wax ba ka tarin. Oo waa calaacashaa oo timo ka soo baxeen in ay taasi dhacdo. Kii rajo ka qabaw haddaba ka hadh. Sidaa awgeed, hayaanka uu Maayar Mooge idiin iba furay waa rajada keliya ee aad ku heli kartaan dawlad wanaagsan.

Suuragal ma aha in aad wax jeclaato oo haddana aad u shaqaysan weydo ama jidka kasta oo soo bidhaama adigu aad dhacamo waaweyn saarto. Dawladda wanaagsan waa loo shaqaystaa ee hadiyad kuma timaado. Si aad ddawlad waanaagsan u hesho, waa in aad bedeshaa wadadii h**e ee ku seejisey dawladnimo wanaagsan (Siyaasadda qabiilaysan).
===========
Wax cusub tijaabi, si aad u hesho natiijo ka duwan tii aad h**e u haysey!

04/28/2024

Shaqadii Architects-ka AutoCAD-ka ka hor. Ma soo martay marxaladan mise caruurtii AutoCAD-ka la kowsatey ayaa tahay? 🤣

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Toronto?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Toronto, ON
NONE