Dugsiga Al Israa
06/18/2026
Hambalyo Ardayda Fasalka 8-aad ee Dugsiga Al Israa
Maanta waxaa si guul leh ugu soo gabagaboobay Ardayda Fasalka 8-aad ee Dugsiga Al-israa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Hirshabelle.
Maamulka, macalimiinta iyo dhammaan bahda Dugsiga Al-israa waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ardayda dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen diyaar-garowga iyo gelitaanka imtixaanka.
Waxaan Alle uga baryeynaa dhammaan ardayda in uu ku guuleeyo natiijooyin wanaagsan oo ay ku farxaan iyaga, waalidkood iyo macalimiintooduba.
Waxaan rajaynaynaa in dadaalkiinna uu miro-dhal noqdo, kana mid noqotaan ardayda ugu sarreeya natiijooyinka sanadkan.
Guul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.
06/10/2026
⚽Natiijada Cayaarta ⚽
Garoonka Cajiin Stadium ee xaafada Buundoweyn ayaa maanta marti-geliyay kulan aad u xiiso badan oo dhex maray Macalimiinta Dugsiga Al Israa iyo Macalimiinta Dugsiga Ileys.
Ciyaarta oo ahayd mid xamaasad iyo tartan heer sare ah leh ayaa ku soo idlaatay guul ay gaareen Macalimiinta Dugsiga Al-israa, iyadoo natiijadu noqotay:
🥅 Dugsiga Al-israa 2 🥅 Dugsiga Ileys 0
Macalimiinta labada dugsi waxay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo muujisay is-dhexgal, wadajir iyo saaxiibtinimo. Hambalyo Macalimiinta Dugsiga Al-israa guusha ay gaareen, sidoo kale mahadnaq iyo bogaadin ayaa mudan Macalimiinta Dugsiga Ileys dadaalkii iyo ciyaartii wanaagsaneyd ee ay soo bandhigeen.
🤝 Isboortigu waa isku xirnaan, caafimaad iyo walaaltinimo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Fermont, QC