Sadiq Abdullahi

Sadiq Abdullahi

Share

10/02/2026

Ciidamo ka tirsan Ilaaladda Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa goor dhow ka degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Imaanshahooda ayaa imanaya xilli ay socdaan dhaqdhaqaaqyo amni iyo siyaasadeed oo la xiriira xaaladda guud ee dalka.

06/02/2026

DEG-DEG: Gudoomiyihii h**e ee Barlamaanka Soomaaliya Mohamed Mursal Sheikh Abdurrahman oo Cajiib ah ugu Hadley Doorashooyinka Dalka iyo Dagaalkii shalay ka dhacay Baydhabo.

Xaaladda doorasho ee dalka ka taagan maanta waa mid ay isku dulsaaran yihiin saddex heer oo doorashooyin ah: doorashooyinka dowladaha hoose, doorashooyinka Dowld-Goboleedyada, iyo doorashada Dowladda Federaalka. Is-dulsaarnaantaasi, haddii aan si masuuliyad leh loo maareyn, waxay si toos ah halis u gelin kartaa hirgelinta nidaamka federaalka, isla markaana si weyn u dhaawici karta wadajirka, midnimada qaranka, iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa h**ey u dhammaaday muddaxileedkii dastuuriyeed ee qaar ka mid ah Dowlad-Goboleedyada Dalk oo ay ka mid tahay Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed, hase yeeshee waxay sii wateen gudashada waajibaadkooda iyagoo ku salaynaya heshiisyo siyaasadeed oo ay la galeen Dowladda Federaalka. Inkasta oo heshiisyadaasi ay ka dhasheen duruufo siyaasadeed iyo kuwo amni, haddana si buuxda uguma waafaqsana qodobbada Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo qawaaniinta dalka, gaar ahaan kuwa qeexaya muddaxileedka hay’adaha dastuuriga ah.

Arrintan waxay abuurtay khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo si gaar ah u saameeyey Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed. Marka loo eego mas’uuliyaddeeda siyaasadeed, sharci iyo mid dastuuri ah, Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah in ay si degdeg ah xal ugu hesho khilaafaadka soo noqnoqday, isla markaana ay xaqiijiso ixtiraamka Dastuurka, madaxbannaanida Dowlad-Goboleedyada, iyo xaqa muwaadiniinta deegaanadaas u leeyihiin ka-tashiga mustaqbalkooda iyo qabashada doorashooyinkooda.

Iyadoo la tixgelinayo xaaladdaas, waxaa lama huraan ah in la meel mariyo hannaan doorasho oo ku saleysan kala hormarinta heerarka doorashooyinka.

Dowlad-Goboleedyadu waa unugyada aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leeyihiin awood dastuuri iyo mas’uuliyad sharci oo ay ku maamulaan arrimaha gudaha ee deegaanadooda, sida ku cad Dastuurka Kumeelgaarka ah. Sidoo kale, waxay leeyihiin xaq iyo door sharciyeed oo ku aaddan ka-qaybgalka go’aan-qaadashada heer federaal iyo dejinta shuruucda qaranka, si loo hubiyo in sharciyada federaalka ay ka tarjumayaan danaha, baahiyaha, iyo rabitaanka dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

doorashada Dowlad-Goboleedyada oo mudnaanta kowaad la siiya, lana soo doorto baarlamaannada Dowlad-Goboleedyada iyo hoggaankooda fulineed, ayaa horseedi kara dhismaha hay’ado sharciyad buuxda leh oo muddaxileed dastuuri ah haysta.

Kuwaas oo si hufan uga shaqeyn kara qabashada doorashooyinka dowladaha hoose ee ka dhaca deegaanadooda, isla mrakaasna gacana ka gaysan kara doorashada federaalka, maadaama ay leeyihiin mas’uuliyadda maamulka iyo isku-duwidda arrimaha gudaha, sida ku cad mabaadi’da federaalka.

waxay sidoo kale xaqiijinaysaa in doorashooyinka dowladaha hoose lagu qabto jawi sharci ah, oo ay hoggaaminayaan hay’ado leh awood dastuuri iyo kalsooni siyaasadeed.

Sidaas awgeed, waxaa lama huraan ah in tallaabo kasta oo la qaadayo lagu saleeyo Dastuurka, qawaaniinta dalka, iyo wadatashi qaran oo loo dhan yahay, si loo helo xal sharci ah oo waara, loogana fogaado qalalaase dastuuri iyo mid siyaasadeed.

Dhacdadii Magaalada Baydho

Shiqaaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 4-5
biisha February waxay ahayd mid nasiib darro ah. Xilli ay jiraan abaaro ba’an oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada, dagaal hubeysan oo ka dhaca deegaanada Koonfur Galbeed ma ahayn mid haboon. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in laga fogaado isku dhac hubeysan, laguna xalliyo khilaafaadka wadatashi iyo nabad.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen waxay u baahan yihiin garab istaag. Waxaan ku boorinayaa Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo hay’adaha samafalka in gargaarka degdegga ah lala gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

30/10/2025

Macalimow Guleyso.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Chittagong Division?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address


Chittagong Division