Said Noor

Said Noor

Share

01/01/2026
12/20/2025

𝐒𝐇𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐊𝐈𝐒𝐌𝐀𝐀𝐘𝐎: 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐀 𝐋𝐀𝐆𝐀 𝐅𝐈𝐋𝐀𝐍 𝐊𝐀𝐑𝐀𝐀?
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
— 𝐅𝐚𝐥𝐚𝐧𝐪𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 | 𝐒𝐚𝐢𝐝 𝐍𝐨𝐨𝐫
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 ayaa furmay maanta, iyadoo 𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨 ay martigelinayso isu-imaatin siyaasadeed oo miisaan qaran leh.

Waxa ka-soo-qaybgalay madaxweynayaal h**e, raysal-wasaareyaal h**e, hoggaamiye yaal maamul-goboleedyo Dowladda Puntland iyo Jubaland iyo in ka badan 𝟖𝟎 𝐱𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐟𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐚𝐡 ayaa shirka siinaya muhiimad baaxad wayn, xilli uu dhammaanayo 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝, 𝐒𝐢𝐢𝐜𝐢𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐃𝐞𝐧𝐢, oo ka hadlayay shirka ka hor inta uusan furmin, ayaa yiri:
“𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐚𝐝 𝐥𝐚 𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐚 𝐞𝐞 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐮𝐦𝐚 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐨, 𝐰𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐢𝐭𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚; 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞 𝐦𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐭𝐨, 𝐡𝐨𝐫𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲, 𝐭𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐛𝐚𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐚𝐲 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲.”

Hadalkan wuxuu si cad u muujinayaa 𝐦𝐨𝐰𝐪𝐢𝐟𝐤𝐚 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 iyo 𝐣𝐢𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐲𝐨.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐮 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐬𝐢 𝐭𝐨𝐨𝐬 𝐚𝐡 𝐮 𝐠𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐫𝐣𝐞𝐞𝐝𝐚𝐚 𝐝𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡, isagoo:
• 𝐒𝐮’𝐚𝐚𝐥 𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐢𝐢-𝐣𝐨𝐨𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 iyo 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚
• 𝐌𝐢𝐝𝐞𝐞𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐦𝐮𝐜𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 oo kala qaybsanaa
• 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐢𝐬 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 𝐛𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 in doorasho hal dhinac ah la aqbali karin

🔹 𝐖𝐚𝐱𝐲𝐚𝐚𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐟𝐢𝐥𝐚𝐲𝐨 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚:
• 𝐖𝐚𝐫-𝐦𝐮𝐫𝐭𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐧 (𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭)
• 𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐨 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝
• 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚
• 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 oo 𝐚𝐟𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐨𝐨𝐝 ee soo socota ah
• 𝐔 𝐠𝐨𝐠𝐨𝐥 𝐱𝐚𝐚𝐝𝐡𝐢𝐝 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐧 oo ka ballaaran kan

𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝:
𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨 waxay isu beddeshay 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐬𝐛𝐞𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚, halkaas oo lagu diyaarinayo 𝐣𝐢𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚, iyo 𝐦𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.

https://saidnoor.blogspot.com/2025/12/the-kismayo-conference-what-can-we.html?m=1&fbclid=IwRlRTSAOzuiFleHRuA2FlbQIxMABzcnRjBmFwcF9pZAo2NjI4NTY4Mzc5AAEe1KxGGgHJgQrRW-rJGM3Pc1Y7DaCNh6K2W62yRWeX-ZyrbmBhK2ztzRa9JOQ_aem_8GV7F53MyLUtcKAaPrphKw

06/14/2025

📘 Falanqeyn Siyaasada Bariga Dhexe: Iran vs Israiil – Yaa Awood Badan?
⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯
⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯⎯
✍️ Qore: Said Noor

Bariga Dhexe waxa uu maraya marxalad xasaasi ah. Colaadda u dhexeysa Iran iyo Israiil waa mid muddo dheer soo jirtay, haddana cirka isku sii shareertay.
Labada dowladood waxay leeyihiin awoodo kala duwan oo ciidan, siyaasadeed iyo saameyn goboleed. Balse isweydiintu waxay tahay: ⚔️ DAGAALKAN YAA KU ADKAAN KARA? hadii uu sii socdo.

🇮🇷 Iran – wa quwad saameen ku leh gobolka
Iran waa dal ballaaran oo leh dad gaaraya ku dhowaad 90 milyan, ciidan tiro badan, iyo dhaqaale ku tiirsan shidaalka.
Waxay leedahay nidaam dowladnimo o Islaami ah oo ay madax ka yihiin culimada (Khamenei), wuxuuna si weyn uugu tiirsanyahay nidaamku Ciidamada Ilaalada Kacaanka oo maanta saraakiil badan lagalaayay.

✅ Waxay taageertaa kooxo Shiico ah sida:
-Hezbollah (Lubnaan)
-Houthis (Yemen)
-Milishiiyo Shiico ah o kadagaalama Ciraaq iyo Suuriya

✅ Waxay ku hawlan tahay horumarinta barnaamijkeeda nukleerka, inkastoo aysan weli si cad u haynin hubka nukliyeerka, siday sheegayaan ilo wareedyo, weerarkii israiil e maanta dhaawac bu u gaystay xarumiha hubkaas.
✅ Saaxiibada ugu wayn Iran waa Ruushka & Shiinaha

🇮🇱 Israiil – Wa dowlad yar oo leh tignoolajiyad sare
Israel waa dowlad dimuqraadiya oo leh awood inkastoo dadkeedu yahay wax ka yar 10 milyan. Waxa ay leedahay awood sirdoon oo cajiib ah, iyo nidaamyo difaac oo casri ah sida Iron Dome iyo Arrow 3.
✅ Wadamadda taageera waa:
-Mareykanka
-Dalal badan oo Yurub ah
✅ Waxaa lagu tuhmaa inay haysato hubka nukleerka, inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin.
✅ Waxay leedahay ciidamo aad u tababaran iyo warshado tignoolajiyad sare leh (drones, satellites, sirdoon casri ah)

⚔️ Isbarbardhig Ciidan & Miisaaniyad:

Tirada Dadka:
🇮🇷 Iran – 89 milyan
🇮🇱 Israel – 9 milyan

Miisaaniyadda Difaaca:
🇮🇷 Iran – $9.9 Bilyan
🇮🇱 Israel – $24 Bilyan

Ciidanka Joogtada ah:
🇮🇷 Iran – 580,000 askari
🇮🇱 Israel – 170,000 askari

Ciidanka Kaydka:
🇮🇷 Iran – 350,000
🇮🇱 Israel – 465,000

Tiknoolajiyada Difaaca:
🇮🇷 Iran – Heer Dhexe(Bavar-373, Khordad-15)
🇮🇱 Israel – Heer Sare (Iron Dome, Arrow 3)

Hubka Nukliyeerka:
🇮🇷 Iran – Horumarin baa ku socota
🇮🇱 Israel – waxaa la rumeysan yahay in ay haysato

🧠 Gunaanad:
Yaa Guuleysan Kara Haddii Dagaal ku sii socdo?
Iran waxay leedahay awood ciidan iyo saameyn goboleed oo muuqata, balse waxaa haysta cadaadis gudaha ah, cunaqabateyn caalami ah, iyo dhaqaale daro. Israel waa dal yar, balse leh taageero buuxda oo caalami ah, awood difaac sare, iyo tignoolajiyad casri ah.

👉 Sidaas darteed, dagaalka u dhaxeeya labada awoodood haduu sii socdo, wuxuu noqon karaa mid aan sahlaneyn saameena ku yeesha gobolka — balse Israel waxay leedahay fursad fiican dhinaca guusha haddii la eego tayada ciidan iyo taageerada caalamiga ah.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Detroit?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address

Detroit, MI