Ciro Samatar Media
Puntiland ma go'idoonta falanqaynta Gaylan Media
Kala duwan ee Sl muqal mudan inaad sheargarayso
War culimada kala qabta
# # Ma Waxaan u Hambalyaynayaa Dal Nidaam Dimuqraadi ah ku Dhisan oo Sharcigu uyhy Tiir?
# # Mise Waxaan u Hambalyaynayaa Dal Soomaaliyeed oo Amni iyo Barwaaqo Gaadhay?
# # Mise Waxaaban u Hambalyaynayaa Dad Soomaaliyeed oo Dantooda Gartay, Iskuna Tashtay?
* Geeddi-Socodka Tanaasulka iyo Nabadda
Haddaba, jawaabtu waa Haa, dhammaan saddexdaas sifo iyo ka badanba waxay maanta si dhab ah uga turjumayaan hannaanka iyo waayaha ay soo martay Somaliland. Sannado ka dib dadaal, dhiig iyo dhidid loo hurey dhismaha qarannimada, dalkani wuxuu noqday tusaale nool oo muujinaya waxa ay qabsan karaan dad garanaya dantooda, meelna uga soo wada jeesta mustaqbalkooda.
* Halgan, Taariikh iyo Gobonimo-doon
Markaan dib u jelecno taariikhdii Dugowday, dhabbada ay Somaliland u martay xorriyadda iyo madax-bannaanida ma ahayn mid fudud. Laga soo bilaabo xilligii gumeysiga ka hor, xorriyaddii 1960-kii, iyo halgankii hubaysnaa ee dib u xoreynta, taariikhdu waxay markhaati ka tahay adkeysiga iyo go'aan-adaygga shacabka. Waa taariikh ku dhex qoran bogagga halganka, taas oo keentay in 1991-kii magaalada qadiimiga ah ee Burco lagaga dhawaaqo dib-u-la-soo-noqoshada madax-bannaanida, taasoo bilow u noqotay bog cusub oo ifaya.
* Nidaam Maamul iyo Dimuqraadiyad Hanaqaadday
Somaliland waxay dhistay nidaam maamul oo gaar ah, kaas oo is dhex-geliyay hiddaha iyo dhaqanka rasmiga ah (Golaha Guurtida) iyo hannaanka casriga ah ee dimuqraadiyadda (Hanaanka Xisbiyada Badan).
• Awoodda Shacabka: Doorashooyinkii is xigay ee madaxtooyada, baarlamaanka iyo deegaanka, ee u qabsoomay habka "hal qof iyo hal cod," waxay muujiyeen bisayl siyaasadeed oo naadir ku ah fagaaraha caalamka.
• Kala-wareejinta awoodda oo si nabad ah u dhacda mar kasta oo doorasho la qabto, waxay dalkan ka dhigtay safka h**e ee dalka ugu fur-furan gobolka Afrika Waaba ka 1-aade.
Garaadka Shacabka: Guusha ugu weyn ee Somaliland maaha oo keliya dhismayaasha quruxda badan, ee waa Isku-tashiga. Shacabka oo gartay dantooda, dhistay isbitaallada, dugsiyada, iyo jidadka, ayaa xaqiijiyay in Rumoobida Riyadu ku xidhan tahay gacmahooga.
Qaabka uu ahaa Hab maamuski waftigii madaxwayne Trump.
Xalka mayhy in warbahinta Ladhax dhigo shirarka Qaranka iyo wada taajiyada si markhaati looga ahaado midka dhibka iyo hadimada wada.
Xagee ayay somalia usocota Gaylan Media
Waxan leenhy dastuur dhab ah oo lama taabtan ah
Madaxwaynaha somalia oo ku dhawaqay go'ankiisi oogu danbeey ayaa shegay inaynan jirin meel loo laabto.
Wadahadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa burburay wax yar kadib markii dib loo bilaabay galabnimadii maanta, taasoo sii kordhisay hubanti la’aanta ku saabsan mustaqbalka dastuurka dalka iyo hannaanka doorashooyinka.
Wadahadalladan ayaa markii ugu horreysay Khamiistii ka dhacay magaalada Mogadishu, xilli maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May si rasmi ah uu u dhammaanayay muddada dastuuriga ah ee afarta sano ahayd ee Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, balse kulamadu waxay kusoo dhammaadeen iyadoo aan lagu heshiin hannaan doorasho oo cad.
Doodihii h**e ayaa lagu muujiyay baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo ballaadhan si looga hortago in xiisadda sii xoogeysato.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkaystay in Soomaaliya ay u gudubto nidaamka doorasho qof iyo cod ah, isaga oo ku dooday in wax-ka-beddelladii dastuurka ee horraantii sanadkan la ansixiyay ay si sharci ah u kordhin hyso muddo xileedka dowladdiisa illaa May 2026.
Hase yeeshee, mucaaradka ayaa si adag u diiday fasiraaddaas, iyaga oo ku doodaya in muddadii dastuuriga ahayd ee madaxweynaha ay maanta dhammaatay, islamarkaana muddo kordhin kasta aysan haysan sharciyad iyo isku raac siyaasadeed.
Ciro Samatar Media
Click here to claim your Sponsored Listing.