Ahmed Ali

Ahmed  Ali

Share

05/05/2026

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Shiinaha ,markii u horreysay tan iyo markii uu dagaalka bilowday, isagoo wadahadallo ka yeelanaya dhiggiisa Shiinaha iyo saraakiil kale.

Booqashadan waxay ku so aaddaysa, xilli la filayo Trump inuu tago Shiinaha ka hor dabayaaqada bishan.

18/04/2026

Iiraan ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqday inay dib u xirtay marin-biyoodka Hormuz oo ay sheegtay inuu ku laabtay xakameynta adag ee ciidanka Iiraan, sabab la xiriirta inuu Mareykanka ku kacayo wax ay ugu yeertay falal burcad badeednimo oo uu isku dayayo inuu ka hortaggo maraakiibta ku socota Iiraan iyo kuwa dekedaha Iiraan ka baxaya, iyadoo go’aankan lagu sheegay inuu marinka Hormuz xirnaan doono illaa Mareykanka uu ka laabanayo go’doominta uu ku hayo dekedaha Iiraan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ay Al Jazeera baahisay.

14/04/2026

154 saraakiil iyo askarta Israa’iil isugu jirta ayaa lagu dhaawacay dagaalladii ka dhacay koonfurta Lubnaan tan iyo Khamiistii la soo dhaafay. 34 ka mid ah ayaa qaba dhaawacyo culus, halka tirada guud ee lagu dhaawacay tan iyo markii ay dib Israa’iil u bilowday duullaanka Lubnaan ay gaartay 565 saraakiil iyo askarta Israa’iil ah,sida lagu sheegay warsaxaafadeed maanta ka soo baxay ciidanka Israa’iil oo aan lagu soo qaadin saraakiisha iyo askarta dagaalladaa uga dhintay Israa’iil.

Telephone

Website