Faallada Warka

Faallada Warka

Share

26/11/2023

Faallada Warka Islawaynaantu Waa Cudur Halisa

21/11/2023

Da'yartu dib ha u deristo Nafhurkii loo soo maray Somaliland

Maxamed Cumar Sheekh Ibraahim

Ummad kasta ama oo maanta ka jirta daafaha dunidu waxay wax ku noqdaan ama
jirtaankoodu la xidhiidha hadba siday uga faa"iideystaan waayo aragnimada ay ka barteen taariikhda
noloshoodu soo martay,waxana sooyaalka taariikheed ee ummadahaasi wax ka beddela, horumar iyo
dib u dhac midkuu doonaba ha ahaadee,hadba jiilka soo kaca ee dhulka ka dhaxla aabayashood kuwaasoo
khasaariya ama kor u sii qaada tacabka aabayaashood uga tegeen.

Somaliland oo ka mid ah dalalka geeska Afrika kana dhashay halgan lalasoo gumaystihii reer Yurub ee
Ingiriiska 1960kina reer Somaliland ka qaateen gobanimadooda, iyo gumaysigii madoobaa ee xukuumaddii
SIyaad barre.

Waxa maanta dhaxlaya dalka jiil cusub oo ka kooban Boqolkiiba Toddobaatan oo ah dhalinyarada oo ah qaybta ugu badan ee shacbiga Somaliland, kuwasoo
badi dhashay wixii ka dambeeey 1990kii.

Dhallinyaradaas oo waxyar oo koobani faham sax ah ka haystaan dhibtii iyo halgankii adkaa ee loo soo galay Qaranimada Somaliland. Waxana qaarkood ay moodayaan uun in bilicda iyo horumarka maanta lagu naaloonayo in weligeed lagu soo jiray.

Dhallinyrada ama DA'YARTA reer Somaaliland way ka murugoon lahaayeen burburkii iyo xasuuqii loo geystay Somaliland sannadihii 1988-1990kii.

Waxa magaalada ka taagnaa guryo faro ku tiris ah ok u badan halkii ay ku yaaleen xafiisyadii iyo xeryihii ciidamada ee laga hagayey duqeyntii dalka ay u geysteen diyaaradihii ka kacayey madaarka Hargeysa iyo ciidamadii millatariga ahaa ee loogu talogalay inay shacabka ka difaacaan cadowga dibaadda.

Dhallinyarada Somaliland ma xaqiiqsan karaan in xataa duqeyntii shacbiga Somaliland loo soo kiraystay calooshood u shaqeysteyaal arxan daran iyo xataa jabhado dhulka lagu beerayay.


Sidaa darteedna loo baahan yahay
inay taariikhda dalkooda wax ka bartaan Dhallinyaradu ama inaan maanta nolosha ay haystaan ku iman ciyaar
iyo dheeldheel kana faa'iideystaan taariikhda.

20/11/2023

DUULLAAN BAA DHAN WALBA LAGAGA SOO QAADAY JIRTAANKEENA
DADNIMO IYO DAWLADNIMO.
QORE.:- CABDILLAAHI AADAN CUMAR [ WAYAB ]
Waa xaqiiqo iyo xusuus weli taagan ah oo aan ka baxeyn maskaxdooda,
inta ka sii nool dadkii qaan-gaadhka ahaa waqtigii Diyaaradaha
dagaalka, Madaafiicda iyo Taangiyada lagu garaacayey shicibka iyo
magaalooyinka ee dhulka lala simay dhismayaashii oo dhan, isla
markaana si arxan-darro ah loogu xasuuqay dad rayida oo aan waxba
galabsan oo tiradooda lagu qiyaasay tobnaan kun oo isugu jiray
Carruur, waayeel iyo dumar.
Waa la hubaa inay dadkii dib ugu soo laabtay Hargeysa iyo
magaalooyinka kale 1991kii, ay maanta intooda daawata muuqaallada
laga baahiyo dhulka reer Falastiin, gaar ahaan Waqooyiga Qasa oo ay
duqeyn cirka, dhulka iyo badda ah ku hayaan Ciidammada Yuhuuddu,
ay maskaxdooda dib ugu soo noqoto duqeyntii uu u geystay Taliskii
Siyaad Barre, ayna isbarbar dhig ku sameeyaan isku ekaanshaha
burburkii iyo xasuuqii 1988kii ka dhacay Hargeysa iyo magaalooyin
kaleba iyo kan maanta ay ka daawadaan shaashadaha ee Yuhuuddu ku
hayso Qasa.
Taariikhaha waxa loo keydiyaa si loo xusuusto ama loo raad-raaco oo
looga faa’iideysto waxa maanta taagan, si looga hortagto hadday
muuqdaan ifafaalo la mid ah kuwii shalay soo maray, sidaa darteed
marka la eego xilligan xaaladda ka jirta dalkeena, waa lagama
maarmaan inaan dib u eegno taariikhda, geesta kalena aragti fog u
yeelano cadowgeena oo talo mideysan ku gaadhay in wada-jirkeena iyo
midnimadeena kala furfuran, kadib markay awoodi kari waayeen in
cudud ciidan ay ku burburiyaan dhismaheena dawladnimo.
Maanta waxa la innala marayaa in inta la soo weerarro magaalooyinka
iyo tuulayaasha bariga Somaliland qaarkood xabbad lagu laayo.
Xoolahoodana la dhaco, isla markaana dab la qabadsiiyo meelo ka mid
tuulooyinkaasi, waxaana cadowgeena kusoo dhiiri geliyey inay sidaa

sameeyaan, kadib markay bulshada reer Somaliland ku kala baydheen
rogaal celintii dagaal ee lagaga jawaabi kasoo bixitaankii iyo ku
dhawaaqistii maamul ee Laascaanood oo ka mid ah Degmooyinka JSL.
Rogaal-celintii Ciidan ee Laascaanod waxay u dhici weyday, markay
kasoo horjeeteen qaar ka tirsan madaxdhaqanka, qeyb ka mida kuwa
cumaamadaha sita iyo qaar kale oo siyaasiyiin ah,ba halka ay geesta
kalena dadka badankoodu ku baaqayeen in la qaado dagaal dembe oo
dib mar kale Laascaanood loogu soo celinayo gacanta JSL, waxaanu
cadowgu soo dhiiriyey oo uu ka faa’iideystay khilaafkaas, iyagoo dil iyo
dhacba ula soo badheedhay shacbi aan hubeysnayn oo colaad moog
iska ahaa, iyadoo imikana la soo taagan yihiin qeybahaa aan soo xusnay
inaan wax la iska dhiciyo oo la difaaco sharafta iyo qaranimada JSL ee
loo soo huray naf iyo maalba.
Waxa ayaan-darro lagu tilmaami karaa in maanta dalkeena iyo
dadkeena loo soo huguroodo oo usoo marnay dhibaatooyin badan oo
qaarkood bilaa xuduud ahaayeen, isla markaana ayna dareen u yeelan
halisaha waaweyn ee innagu soo fool leh oo ah kuwa ay muddo kasoo
tashanayeen, kana shaqeynayeen Cadowga ku bahoobay baabiinta
jiritaanka Somaliland, kuwaas oo beryahan dembe bilaabay adeegsiga
tabo iyo farsamooyin khiyaano ah oo si dhib yar ugu dumin karaan
tacabkii badnaa ee aan muddada 32ka sannadood ah soo gelinay ee
aan ku dhisanay dawladda taamka oo ee hooskeeda hadhsano.
Reer Somaliland dawlad iyo shicib haddaan maanta si degdegga uga
jawaab celin weyno, laba dhirbaaxo oo innaga soo gaadhay dhinaca
cadowgeena Ogost ilaa November, waa wax la garan karo oo geed ka
go’an ah inay huwantu soo qaadi doonto tallaabooyin kale oo ka huq
iyo hiif badan kuwii h**e ugu fulay ee aan laga jawaab celi, sidaa
awgeed waxa shacbigeena la gudboon, in indhaha ay ku eegaan
cadowgooda, balse aanay iyagu isku eegin, sidoo kalana fahmaan
dabinada loo qoolayo.

15/11/2023

"Faallada Warka Maxay Ku Ilaabayaan Waxaa Ka Horeeya.

Telephone

Website