Wayaha Cusub
21/08/2025
Aakiro waraa jiro
Xalane waraa jiro. ( Galmo, khamro ku bedelasho)
Dunuubta Xalane ka dhax jirto, Gabdhahaa yar yari Dambe kuma leh, Allaah agtiisa Dambi ayey galeen Allaah ayaa ka cafi karo, kuna ciqaabi karo.
Laakin, Dambiga Bulsho waxaa masuuliyadiisa leh, Ajaanibta Xalane, Bulshada Somaliyed iyo Dowladda.
Gabdhahaa da'da yar ee duruufeysan, xaalad dhaqaale, Aqoon la'aan iyo wacyi la'aan ayaa ku khasabtay in Hal dhalo oo khamri ah oo dalka Cashuur dhaaf ku soo gashay in lagu abaal mariyo Habeen dhan oo xalane ay ku jirtay. (F.S:1aad).
Ragga ku shaqada leh Ganacsigaa oo Maqribkii xeradda Xalane geeyo Gabdhahaa oo qaarkood ay Saqiiro yihiin.
Iska jirhee, Arrintaan Dabgalkeeda iyo ka hadalkeedu khatar weyn ayeey leeyahiin.
FG: Fadlan, Ka qeyb qaado ama Gacan nagu sii sidii arintaan loo jooji lahaa.
Qore:Yahya amir
24/10/2024
Isbad-baddalka Dareennada
Qof baad jeclaatay, oo aad u boholyowday. Xiriirkiinnii buu si’aan macno lahayn u jaray. Codkiisii baad baadi goobtay, meel walba oo aad ka heli kartay ayaad haleeshay waadse ku guuldarraysatay, adigoo hurda waayay aawadiis, waqti badanna kaaga baxay sidii aad maskaxdaada uga sifayn lahayd ayaad muddo noolayd.
Waxaa ku soo hormaray daqiiqado iyo maalmo aad wax walba isaga ka dhex arkaysay, marxalad walba oo aad ku jirtid waxa aad is oranaysay tolow muxuu ka dhihi lahaa? Miyaysan wacnaateen in aan hadda wada joogno. Si dabiici ah ayuu qofkii laabtaada uga baxay, waxa aad is aragtay adiga oo aan wax dareen ah u qabin. Qofkii haddii aad magaciisa ku aragto shaashadda taleefankaaga wadnuhu ku garaacmi jiray ayaa habeen adiga oo iska faraxsan ku soo wacay. 🤙
Waad laba boglaysay, miyaan ka qabtaa mise waan iska daayaa ayaad iskula faqday, intii aad is waraysiga isugu maqnayd ayuu call kii go’ay. Waxa aad damacday in aad WhatsApp ka dib ugu noqoto, si automatic ah ayuu call kii qofkii ugu noqday. Adiga oo aan kala jeclayn baad inta fadhiga fariisatay la sheekaysatay. Waxa aad is tiri ma waydiisaa, sababta uu sidaas u yeelay, ee uu macasalaamo la’aan u dhuuntay, haddana waxa aad xasuusatay in aadanba u baahnayn in aad jawaabta ogaatid, oo hadda aad faraxsan tahay, aadna xiriir qurxoon kula jirtid qof isagii dhan walba oo la eego ka wacan, mid mansab, mid dhaqaale, mid jacayl iyo dareeneed ba. Kaligaa baa isla qoslay, waxa aad kala garan wayday in ay riyo tahay iyo in kale. 👀
Qofkii aan shalay u waalnaa jacaylkiisa hadda agtayda waxba k**a aha.💥
Adigoo dareemaya in bini’aadamku cajiib yahay, isbaddalka dareenaduna ay aad u layaab badan yihiin, qof maanta macno kuu lahaa berri uu macno beelayo ayaad sariirtaada iska seexatay, kadibna hurdo dheer oo raaxo leh gashay 💤.
14/06/2022
Dadka qaar waxay keydsadaan hanti sida in ay abidkood noolaanayaan oo kale. Dadna waxey baxsadaan hanti sida in ay berri dhimmanayaan oo kale. Mar kasta qofka wax la baxa ayaa waara, xitaa hadduu ifka ka tago wanaaggiisa ayaa waaraya.🙂
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Telephone
Website
Address
Mogadishu