Cabdulqaadir Fantaastic
Dhuusamareeb.🇸🇴
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay.
21/06/2026
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu baaris ku wado dhallinyaro ku xadgudbay gabar Soomaaliyeed, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono cid walba oo lagu helo ficilkaasi foosha xun.
Muuqaal Naxdin leh waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalbanayo bad-baadin una dhaxeeya Geeri iyo Nolol Badweynta Libiya
Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay maalgashi xooggan ku sameysay waxbarashada iyada oo juhdi iyo dadaal badna galisay mustaqbalka Ardayda Soomaaliyeed iyo dhisamaha aqoonta, heerarkeeda kala duwan.
20/06/2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa: Waxbarashadu waxay ka mid tahay tiirarka ugu mudan ee Xukuumadda DanQaran
Muqdisho, Sabti 20 Juun 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee sannadka 2026.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay maalgashi xooggan ku sameysay waxbarashada, isla markaana ay juhdi iyo dadaal badan gelisay mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed iyo dhismaha aqoonta heerarkeeda kala duwan.
Mudane Xamsa ayaa xusay in himilooyinka qaran ee Xukuumadda DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ay tiir-dhexaad u yihiin horumarinta tayada waxbarashada dalka iyo casriyeynta nidaamyada iyo shuruucda tacliinta.
“Waxbarashadu ma aha waddada guusha oo keliya, ee waa halbeegga casriyeynta iyo dhismaha awoodda Qaranka Soomaaliyeed, waana tiir adag oo diini ah oo Qur’aanka iyo Sunnaha lagu xusay, taas oo ina tusinaysa mudnaanta ay leedahay in ardayda wax la baro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku dhiirrigeliyay ardayda galaysa imtixaanka qaranka ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare inay guul wanaagsan ka gaaraan, isagoo sidoo kale bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada XFS, macallimiinta Soomaaliyeed iyo maamullada dugsiyada dalka. See less
15/06/2026
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Dr. Khalid Abdel Ghaffar.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga caafimaadka Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta iyo tababarrada shaqaalaha caafimaadka, dhismaha awoodda hay’adaha caafimaadka, iskaashiga dawooyinka iyo qalabka caafimaadka, iyo kor u qaadista xiriirka labada dal ee dhinaca caafimaadka.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
Abdulkaadirfantaastic@gmail. Com
Mogadishu