Rahiim

Rahiim

Share

09/05/2025

Hindiya waxay iskudayday inay ka soo kabato fadeexada burburka diyaaradaheeda , kaddib markii warbaahinta Hindiya loo gudbiyay warka la xiriira inay ciidanka Hindiya soo rideen diyaarad F-16 ah oo ay lahaayeen ciidanka Pakistan , balse si caro leh sheegashadan waxaa u beeniyay Mareykanka oo diyaaradan soo saaray, iyadoo saraakiisha Mareykanka ay xaqiijiyeen inaysan Pakistan adeegsan diyaaradaha F-16 inta uu socdo iska horimaadka, sababtoo ah heshiiska ay ku heshay Pakistan diyaaradda F-16 , waxaa ku jiray inaysan ku weerarri karin Hindiya,sida ay baahisay Reuters.

Pakistan , ma adeegsan hubka iyo diyaaradaha galbeedka iyo Ruushka midna, illaa nidaamyada difaaca iyo raadaarka oo dhammaan ahaa wax soosaarka gudaha Pakistan iyo Shiinaha.

Fiiro gaar ah;

Hindiya waxay wajahaysaa fadeexadii u sarreeysay taariikhda dagaallada , kaddib markii wax ka yar 24 saac ay ku lumisay 6 diyaaradood oo ay ku jiraan kuwa jiilka 4.5 ee Faransiiska uu soo saaro ee Rafale oo mid kasta ay joogto $288 milyan oo ay weheliyaan tobannaan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Want your establishment to be the top-listed Arts & Entertainment in Sool?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Sool