Mogadishu Times
Trump oo hadalo jilicsan ku hadlay isagoo hor fadhiya Madaxda China.
Fahadow wadad maa tahay mise siyaasi kutuba xoor ah? Waraysigan oo dhamaystiran 15 May filo.
13/05/2026
With Facebook for Creators – I just got recognized as one of their top fans! 🎉
Maxaad ka taqaan askarta Shinnida. Daawo cajaa'ibtan
Waligay qof saan u cad maan arkin ayuu yiri
Dib udhac ku yimid shaacinta natiijada doorashooyinka KGS iayadoo laga cabsi qabo in ay wax udhicin sidii loo qorsheeyay
13/05/2026
Ciidamo ka amar qaata Qoor-Qoor oo lawareegay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, kaas oo horay ay gacanta ugu hayyeen ciidanka Jabuuti ee Midowga Africa.
Arintan ayaa imanaysa saacado kadib markii maanta uu Sadaq John oo qaraabo yihiin Qoorqoor uu kadagay Dhuusamareeb, islamarkaana waxa loo badinayaa in uu taladaas isaga siiyay si aysan Dhuusamareeb uga soo dagin diyaarado ka imanaya Xamar oo Xasan Sheikh ka socda.
Waxaan la ogayn sida ay kusuuro gali karto arintan maadaama Dhuusamareeb ay joogaan ciidan badan oo hoos taga Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Maanta ayay ahayd markii gudiga doorashooyinka ay dib uga bilaabeen Dhuusamareeb diiwaan gelinta dadka ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah.
13/05/2026
Maxaa kasoo baxay shirkii Xalane?
Wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeyay beesha caalamka, Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa si weyn diiradda u saaray mustaqbalka hannaanka doorashooyinka dalka iyo sidii Soomaaliya ugu gudbi lahayd nidaamka qof iyo cod.
Sida lagu sheegay xogaha kasoo baxaya kulamadaasi, qorshaha la soo jeediyay ayaa dhigaya in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u soo doortaan masuuliyiinta heerarka kala duwan ee dowladda. Waxaa qorshaha ku jira in laga bilaabo goleyaasha deegaanka, guddoomiyeyaasha gobollada, xubnaha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, madaxda Dowlad Goboleedyada, iyo sidoo kale Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, dhammaantood lagu soo doorto codka shacabka, halkii laga adeegsan lahaa nidaamka dadban ee ku dhisan awood qaybsiga qabiilka.
Qorshaha la sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh soo bandhigay ayaa sidoo kale dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inuu difaacayay nidaamka qof iyo cod isaga oo ku tilmaamay waddada ugu habboon ee lagu xoojin karo dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka shacabka ee siyaasadda dalka.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mucaaradka siiyay muddo hal sano ah si ay usoo bandhigaan hannaan kale oo doorasho haddii aysan ku qanacsanayn nidaamka qof iyo codka ah. Tallaabadan ayaa loo fasiranayaa isku day siyaasadeed oo lagu dejinayo xiisadaha isla markaana lagu sii ambaqaadayo qorshaha dib u habeynta doorashooyinka.
Natiijada kasoo baxday wada-hadalladan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan oo ku saabsan suurtagalnimada in dowladda hadda jirta ay sii joogto muddo hal sano dheeraad ah, inta ay dhinacyada siyaasadda ka gaarayaan heshiis rasmi ah oo ku saabsan hannaanka doorashada dalka. Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in mucaaradka uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo ku qasbaya inay mideeyaan mowqifkooda ama ay la jaanqaadaan qorshaha dowladda ee ku wajahan doorasho qof iyo cod ah.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay gudaha iyo dibaddaba ka jirto cadaadis lagu doonayo in dalka uu yeesho hannaan doorasho oo xasilloon, lagu kalsoonaan karo, islamarkaana loo dhan yahay, si looga gudbo khilaafaadka siyaasadeed iyo nidaamyadii doorashooyinka dadban ee muddooyinka badan soo jiray.
13/05/2026
Fariin uu 1996 qoray wiil Soomaaliyeen oo gabadhii uu jeclaa ay karaacday nin cadaan ah.
Kooxdii Buuraha Puntland kujirtay oo firxad ah ayaa maalinba lasoo qabanayaa iyagoo soo goosanaya
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Address
Mogadishu
SO02