Wardi Relief and Development Initiatives'
15/06/2026
Wardi Relief and Development Initiatives' ayaa maanta si rasmi ah u soo gebagabeysay mashruuca magaalada Beledweyne, taas oo ay ka qeyb galeen in ka badan 80 xubnood oo ka tirsan Guddiyada Maareynta Mashruuca ee laga fulinaayey degmooyinka Beledweyne iyo Bulo Burte.
Mashruucan oo socday muddo shan sano ah ayaa u faa’iideeyay in ka badan 1,000 qoys oo beeraley ah, isaga oo ku taageeray farsamooyin casri ah oo waara oo dhanka beeraha ah, kana caawiyay helitaanka xirfado farsamo iyo agab kor u qaadaya sugnaanta cuntada iyo sii socoshada wax soo saarka beeraha ee gobolka Hiiraan.
Agaasimaha Barnaamijyada WARDI Muuse Cabdi Macow, Maamulaha Xafiiska WARDI ee Beledweyne Ibraahim Xasan Cadow, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan WARDI ayaa goobta lagu soo bandhigay dalag, cuno iyo qudraad kala duwan oo ay soo saareen beeraleyda mashruucu taageeray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen galley, digir, sisin, karooto, yaanyo iyo barbarooniga.
Kulanka xiritaanka intii uu socday, ka qeybgalayaashu waxay fursad u heleen inay dib u eegaan guulihii la gaaray iyo caqabadihii mashruuca wajahay muddadii uu socday.
Maamulaha Mashruuca FS3, Cabdi Barre Kulow, ayaa isagoo sharxaya waxqabadkii mashruuca ku dhiirrigeliyay guddiyada beeraleyda inay sii wadaan adeegsiga aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadeen mashruuca si loo xoojiyo wax soo saarka beeraha loogana qeyb qaato himilooyinka qaran ee sugnaanta cuntada.
“Waa arrin farxad leh inaan aragno hoos u dhac ku yimid xaaladaha nafaqo-darrada, taas oo ka dhalatay shaqadii aan la qabanay hooyooyinka ku jira Kooxaha Is-taageerada Hooyooyinka. Sidaas darteed, waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii waddaan dadaalka wanaagsan isla markaana aad aqoontan uga faa’iideysataan horumarinta nolol maalmeedkiinna,” ayuu yiri Cabdi Barre.
Mashruuca FS3 waxaa maalgeliyay action medeor e.V. iyo Bundesministerium für wirtschaftliche Zusammenarbeit und Entwicklung (BMZ), waxaana uu door weyn ka qaatay horumarinta nolosha iyo hab-nololeedka kumannaan beeraley Soomaaliyeed ee ku nool gobolka.
09/06/2026
Through our project, Wardi Relief and Development Initiatives' supported 80 farmers with quality seeds, farming tools, and access to tractor services to strengthen land preparation and improve productivity.
With support from action medeor e.V. and Bundesministerium für wirtschaftliche Zusammenarbeit und Entwicklung (BMZ), this aims to increase agricultural yields, strengthen food security, and support households in making the most of the Gu’ farming season.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Contact the organization
Website
Address
Mogadishu