SIMAD Alumni

SIMAD Alumni

Share

Photos from SIMAD Alumni's post 17/03/2026

Hoggaanka Fasalka ๐—•๐—œ๐—ง๐Ÿฎ๐Ÿณ ayaa si heer sare ah u soo qabanqaabiyay kulan sanadeed muhiim ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha qalinjabiyaaasha fasalka BIT27.

Kulankan waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD Mukhtar Adan Hassan iyo qaar kamid ah xubnaha firfircoon ee fasalka BIT27, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo isku xirnaan la taaban karo.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is-xogwareysi iyo xog-isdhaafsi, iyadoo si qoto dheer looga sheekeystay waayihii ardeynimada, xusuustii quruxda badnayd ee jaamacadda, iyo safarkii nololeed ee ka dambeeyay qalinjebinta.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray gurmadka abaaraha, iyadoo la isla qaatay in fasalka BIT27 ay door muuqda ka qaataan ka jawaabidda xaaladaha adag ee abaaraha dalka ka jira, iyagoo ka duulaya masโ€™uuliyad bulsho iyo damiir wadaninimo.

Ugu dambeyn, Gudomiyaha Naadiga Qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD wuxuu si weyn u bogaadinayaa isku xirnaanta,wadajirka, iyo ka goโ€™naanta fasalka BIT27 ee ku aaddan is-garab istaagga bulshada, gaar ahaan ka qeyb qaadashada arrimaha abaaraha.

Photos from SIMAD Alumni's post 12/03/2026

Hiiraan, Soomaaliya โ€“ 12 Maarso 2026

Guddoomiyaha Naadiga Qalinjabiyayaasha Jaamacadda SIMAD, Mudane Mukhtar Adan Hassan, oo wakiil ka ah Jaamacadda SIMAD, ayaa gurmad biyo dhaamin ah ka fuliyay degmada Farlibaax iyo deegaannada hoos yimaada ee ka tirsan gobolka Hiiraan. Gurmadkan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo bulshada ay si daran u saameeyeen abaaraha iyo biyo laโ€™aanta baahsan ee ka jirta dalka.

Deeqdan biyaha ah ayaa gaartay ku dhowaad 180 qoys, kuwaas oo muddo la tacaalayay biyo yari iyo xaalado nololeed oo adag. Tallaabadan waxay muujinaysaa doorka muhiimka ah ee ay jaamacadaha iyo qalinjabiyayaashoodu ku leeyihiin u gurmashada bulshada iyo ka qayb qaadashada xal u helidda dhibaatooyinka saameeya dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijkan gurmadka ah waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu yareynayo saamaynta abaaraha, isla markaana lagu garab istaagayo bulshada Soomaaliyeed ee u baahan taageerada iyo isku duubnida.

Photos from SIMAD Alumni's post 28/02/2026

Hogaanka Fasalka ๐—•๐—•๐—”๐Ÿฌ๐Ÿฒ ayaa soo qabanqaabiyay kulan sanadeedka fasalka .

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay maamulka xafiiska qalinjebiyaasha , maamulka kulliyada , Macalimiinta iyo xubnaha fasalka BBA06.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa is-xogwareysi iyo xog-isdhaafsi , waxaana laga sheekeeyay waayihii ardeynimada iyo hayaankii nolosha ee kadanbeeyay.
Sidoo kale , kulanka waxaa looga hadlay ๐—ด๐˜‚๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ iyo sidii ay fasalka BBA06 kaalin weyn ugu qaadan lahaayeen arintaas .

Ugu danbeyn, Xafiiska qalinjebiyaasha wuxuu bogaadinayaa isku xirnaanta iyo iska war qabka bahda BBA06 .

19/02/2026

Maamulka Xafiiska Qalinjebiyaasha wuxuu hambalyo iyo bogaadin udirayaa Mr. Jamal Hashi Ture oo loo magacaabay ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ee Xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed .

Mr. Jamal wuxuu katirsanyahay qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD, Gaar Ahaan kulliyadda culuumta maamulka ( Class : ๐—•๐—•๐—”๐Ÿญ๐Ÿด ) .

Waxaan Alle kaaga baryaynaa in uu kula garabgalo shaqada culus iyo masuuliyadda laguu igmaday.

Photos from SIMAD Alumni's post 18/02/2026

Ururka qalinjebiyaasha ee kulliyadda sharciga ayaa soo qabanqaabiyay ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—ฐ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ udhaxeeyay qalinjebiyaasha kulliyadda sharciga iyo ardayda hadda dhigata kulliyadda sharciga .

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay ๐Ÿฑ - ๐Ÿฐ, waxayna guusha raacday kooxdii kasocotay qalinjebiyaasha.

Ujeedka ciyaaarta ayaa ahayd isdhaxgal iyo sidii la isugu xiri lahaa qalinjebiyaashii kulliyadda iyo ardayda hadda dhigata kulliyadda.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address

3rd Floor, Town Campus, SIMAD University, Zoobe
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 11:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00