Sky-252
08/01/2026
Mareykanka Oo Joojiyay Gargaarka Soomaaliya: Mas’uuliyadda DFS iyo Saameynta Dadka Nugul.
Go’aanka Mareykanka ee joojinta barnaamijyada gargaarka ee loo fidin jiray Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) wuxuu muujinayaa saameynta tooska ah ee falalka mas’uuliyiinta gudaha ee aan mas’uuliyadda lahayn ku yeelan karaan nolosha dadka nugul. Waxa uu sidoo kale tilmaamayaa in taageerayaasha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ugu waaweyn sida Mareykanka, ay aad uga taxaddaraan sida khayraadka gargaarka loo maamulo iyo cidda ka mas’uulka ah.
Dhacdadani waxay leedahay dhowr dhinac oo muhiim ah:
Mas’uuliyadda gudaha: Mareykanku wuxuu si cad u sheegay in dib-u-soo-celinta gargaarka ay ku xiran tahay qaadashada mas’uuliyadda falka ka dhacay. Tani waxay tusinaysaa in DFS looga baahan yahay in ay dejiso nidaamyo adag oo ilaalinaya hantida gargaarka iyo in masuuliyiinta xadgudubka sameeyey la ciqaabo.
Saameynta dadka nugul: 76 tan oo gargaarka ah oo lagala baxay bakhaarka WFP ayaa si toos ah u saameynaysa kumanaan qof oo Soomaali ah oo ku tiirsan cunto iyo gargaar kale. Arrintani waxay muujinaysaa sida khaladaadka maamul ama musuqmaasuqa gudaha uu nolosha dadka nugul u saameyn karo, gaar ahaan xilli ay jirto abaarta iyo dhibaatooyinka amni ee dalka.
Xak**aynta caalamiga ah iyo kalsoonida: Go’aanka Mareykanka wuxuu sidoo kale muujinayaa sida hay’adaha gargaarka caalamiga ah ay u baahan yihiin in ay hubiyaan amniga iyo hufnaanta bakhaarada ay ka shaqeeyaan. Haddii dhacdooyinka noocan ah ay sii socdaan, waxaa laga yaabaa in taageerayaasha caalamiga ah ay ka baqaan in khayraadkooda lagu waayo ama lagu xadgudbo, taasoo hoos u dhigaysa kaalintooda gargaarka.
Calaamadda siyaasadda: Go’aankan Mareykanka wuxuu sidoo kale u yahay cadaadis siyaasadeed oo ku wajahan DFS, isaga oo ku boorinaya in tallaabooyin degdeg ah laga qaado musuqmaasuqa ama mas’uuliyadda la’aan gudaha ah, si gargaarka caalamiga ah loo sii wado.
Gabagabo: Dhacdadan waxay muujinaysaa in amniga, hufnaanta, iyo mas’uuliyadda gudaha ay yihiin shuruudo muhiim u ah helitaanka gargaarka caalamiga ah. DFS waxaa saaran culays weyn oo ah in ay qaado tallaabooyin muuqda oo ka hortagaya xadgudubyada, haddii kale taageerayaasha caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, waxay joojin karaan barnaamijyada muhiimka ah ee gargaarka bulshada nugul.
08/01/2026
Putin weli waa quwad, balse saameyntii Ruushka ma sidaan bay u sii yaraanaysaa? Falanqeyn kooban.
Muddooyinkii u dambeeyay, sumcadda iyo awoodda hoggaamineed ee Vladimir Putin si weyn ayay hoos ugu dhacday, arrintaas oo dad badan u arkaan inay tahay isbeddel weyn marka loo eego sawirkii h**e ee Ruushka lagu yaqaannay.
Dagaalka Ukraine oo socday ku dhowaad afar sano ayaa noqday tijaabadii ugu adkayd ee Ruushka wajaho, balse ilaa maanta Moscow ma aysan gaarin yoolkii ay ku dhawaaqday bilowgii colaadda. Taas beddelkeeda, dagaalku wuxuu noqday mid jiitamay, khasaaro dhaqaale, mid ciidan, iyo mid siyaasadeedna u geystay Ruushka, halka Ukraine ay sii heshay taageero caalami ah oo joogto ah.
Dhanka Bariga Dhexe, Ruushka waxaa mar walba loo arkayay saaxiib istiraatiiji ah oo Iran garab taagan, gaar ahaan marka ay timaaddo loollanka ay la leedahay Israa’iil iyo Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, marka xiisaddu cirka isku shareertay oo ay Israa’iil la kulantay Iran, Ruushka muu muujin kaalintii la filayay. Taageeradii muuqan lahayd ee militari ama mid siyaasadeed ma aysan imaan, taasoo su’aalo badan ka dhalisay kalsoonidii xulafada uu Ruushku ku lahaa awooddiisa iyo daacadnimadiisa.
Sidoo kale, dhacdooyinka la xiriira Mareykanka, gaar ahaan hadallada ku saabsan in Trump uu si toos ah ama dadban ula wareegay danaha shidaalka Ruushka iyada oo aan Moscow jawaab adag ka bixin, waxay sii xoojiyeen aragtida ah in Ruushku uusan hadda lahayn awooddii h**e ee cabsida gelin jirtay dunida. H**e, ficil kasta oo noocan ah wuxuu keeni lahaa jawaab degdeg ah oo xooggan, balse maanta waxaa muuqata in Ruushku ku jiro xaalad difaac ah, isaga oo ka baqaya cawaaqibka dhaqaale iyo siyaasadeed ee tallaabo kasta oo kale.
Gebogabadii, isku darka guuldarrooyinka militari, hoos u dhaca saameynta dibadda, iyo culaysyada dhaqaale ayaa muujinaya in Putin uusan ahayn hoggaamiyihii awoodda badnaa ee dunidu ka baqi jirtay sanadihii h**e. Inkastoo Ruushku weli yahay quwad weyn, haddana xaqiiqadu waxay tilmaamaysaa in saameyntiisii caalamiga ahayd ay si tartiib tartiib ah u wiiqmeyso, taasoo beddelaysa dheelitirkii awoodda ee siyaasadda caalamka.
30/12/2025
Khiyaano Madow & Shahaado Nuur leh.
Habeenka Sabtida, 30-ka Agoosto, mid ka mid ah waqtiyadii khiyaanada ugu foolxumaa, ayuu mid ka mid ah dadka la shaqeeya cadowga u sheegay hay’adda Shabaak goobta uu ku sugnaa ninka wejiga duuban, xilli uu booqasho dheer ka dib u yimid qoyskiisa.
Shabaak ma beenin xogtaas, balse waxay u aragtay fursad qaali ah oo ay muddo dheer sugayeen, kaddib markii ay ku fashilmeen 14 isku day oo dil ah. Isla markiiba waxaa la qabtay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha ciidanka, waxaana la go’aamiyay in la adeegsado diyaarado si gaar ah loogu talagalay dilka hoggaamiyeyaasha iska caabbinta.
Inkasta oo ay si buuxda u ogaayeen inuu ku sugnaa hal guri (flat) oo gaar ah, haddana waxay duqeeyeen dhismaha oo dhan, si ay u hubiyaan dilkiisa, isla markaana uga aargutaan qoyska oo dhan.
Waxaa la adeegsaday gantaallo ay ku raran yihiin bambooyin kulayl gubaya oo caalami ahaan mamnuuc ah; bambooyin sii daaya daruur shidaal qarxa oo hawada ku fida, dabadeedna hal mar qarxa, dhalinaya kulayl aad u sarreeya iyo cadaadis dilaa ah oo liqaaya jirka, ka dhiga inuu uumi baxo, isla markaana nuuga oksijiinta goobta, si uusan u badbaadin qof iyo dhagax toona.
Halkaas ayuu ku shahiiday geesigeennii, waxaana la shahiiday xaaskiisii iyo carruurtiisii: Liyan, Minnatullaah, iyo Yamaan. Jirkiisii daahirka ahaa wuu baaba’ay gebi ahaanba, sidii iyagoo doonayay inay tirtiraan raadkiisa. Waxaa sidoo kale la shahiiday 40 qof oo ka mid ah qoyskiisa (Al-Kahluut) iyo 30 rayid ah oo aan wax dambi ah lahayn.
Wuxuu u shahiiday isagoo horay u soo jeeda, aan ka cararin, waxaana ka horreysay ballan iyo bishaaro. Riyo ayuu u sheegay soddoggiis Dr. Munther Al-Amawdi, isagoo ku arkay Rasuulka Ilaahay ﷺ oo ku leh:
“Adigu maanta waad shahiidaysaa.”
Subaxdiina wuxuu ku bilaabay qubays, is qurxin, iyo is carfin… sidii nin loo aroosinayo arooskiisa. Wuxuu u shahiiday kaddib markii uu gutay amaanadiisii, kuna difaacay diintiisa iyo dalkiisa dhiiggiisa. Umaddu way ooyday, masaajidda iyo mihraabyaduna way ooyeen, goobaha dagaalkuna way u baroorteen.
Annaguna ma aaminsanin in shuhadadu dhintaan… ee way tagaan si ay noogu markhaati furaan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu