NISA

NISA

Share

13/07/2025

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Luuliyo 13, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen tuulada Buulo-xoog oo hoostagta deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa Toddobo xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, iyada oo howlgalka lagu burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah oo waday hub iyo maleeshiyaad.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa Howlgalka fuliyay kaddib markii la hubiyay xogta Khawaarijta, waxaana beegsigu bilowday xilli gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan kuna sii jeedeen deegaanka Buq-Aqable.

Howlgalka oo si guul ah kusoo dhammaaday waxaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad, waxaana jira muuqaalo caddaymo ah oo ay qabatay Kaamirada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo aan bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonno si ay uga dhargaan jabka xooggan ee gaaray Khawaarijta.

11/07/2025

Muqdisho, Luuliyo 11, 2025: Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen deegaannnada Qoordheere, Xawaala-kulan, Reydableey iyo magaalada Ceelbaraf oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu dilay ilaa 13 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka mid ahaa Khawaarijta.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raagaceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo afartii maalin ee u dambeysay isku abaabulayey halkaas, iyada oo howlgalka lagu dilay ilaa afar xubnood oo Khawaarij ah, waxaana la burburiyay Teendhooyin iyo keyd hub ah oo ay ka sameysteen geedaha hoostooda.

Dhanka kale, inta u dhaxeysa deegaannada Xawaala-kulan iyo Reydableey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa laga hortagay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo halkaas ka waday qorshe ay doonayeen in ay amniga ku carqaladeeyaan, waxaana isla goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal.

Howlgalka seddexaad oo ka dhacay buurta Ceelbaraf oo dhinaca galbeed labo kiilomitir kaga beegan magaalada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa lagu bartilmaameedsaday koox kale oo Khawaarij ah oo maleegayay dhagaro argagixiso, ilaa afar maleeshiyaad ah ayaana halkaas lagu soo afjaray.

28/06/2025

Caddayn Muuqaal ah oo ku saabsan guri ay ku shirayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta oo la burburiyay iyo baabuurtii qaraxyada iyo kuwii maleeshiyaadka oo gubanaya kaddib howlgal ay Ciidanka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Mabaax

26/06/2025

Xorreynta Dalka & Xuska Xorriyadda

Ciidanka geesiyaasha ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sii wada howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay xor uga noqdaan cadowga argagixisada ah, Iyada oo la xusayo Todobaadka Xorriyadda.

Howlgaladan bartilmaameedka ah oo si guul leh u dhacay ayaa laga sameeyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 18 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay laba gaari oo ah nooca dagaalka oo ay doonayeen in ay ku baxsadaan maleeshiyada cadowga ah.

Hay’adda NISA oo mar walba u taagan difaaca dalka, dadka, iyo diinta, waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysaa Todobaadka Xorriyadda, iyada oo fariinteedu tahay: “Nabad ku dabaal-daga”.

25/06/2025

Muuqaal caddaynaya sidii ay Ciidanka iyo Saaxiibada Caalamka u fuliyeen howlgalladii deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

24/06/2025

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho, Juun 24, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta kuwaas oo ahaa firxadka maleeshiyaad iyo horjoogeyaal h**e loogu beegsaday isla deegaankan.

Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.

Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.

Want your organization to be the top-listed Government Service in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Address

Mogadishu
Mogadishu