Rayid Tv

Rayid Tv

Share

27/05/2026

Shilin Somali Waa Ladiiday Ciid Mobaarakii Luuq Uu Naga Gallay Buskud Iyo Xalwaa Nalla Siinaa | Eid Wanaagasan

26/05/2026

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Iyadoo la gudanayo waajibaadka dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, Guddigu wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdada, isagoo la xiriiraya maamulka deegaanka, bulshada iyo dhinacyada kale ee ay khusayso.

GMXIQ waxay adkaynaysaa muhiimadda ilaalinta nolosha dadka rayidka ah iyo xaqiijinta badqabkooda, iyadoo ugu baaqaysa hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda. Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo dhammaan dadka ay saameysay dhacdadan.

Guddigu wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay korjoogtaynta, baarista iyo ka warbixinta xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, caddaalad iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

Dhammaad

26/05/2026

Banaanbax Waa Xaq Dasturi Oo Muwadinku Leeyahay Oo Sharuucda Dallka Ay Ogoshahay Cid Sharciga Kaso Hormari Karta Ama Diidi Karta Majirto......

Want your business to be the top-listed Media Company in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address

Mugadishu
Mogadishu
252