SALAAM UNIVERSITY STUDENTS ASSOCIATION

SALAAM UNIVERSITY STUDENTS ASSOCIATION

Share

26/05/2026

Hambalyo Ciidul Adxaa

Midowga ardayda jaamacada salaam waxay munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed, u diraysaa hambalyo dhammaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Allaah ka baryeynaa in uu naga aqbalo acmaasheena suuban, dambiyadeenna sanadkii tagay iyo midka soo socdana dhaafo.

Waxaan sidoo kale Alle ka baryeynaa nabad, xasilooni iyo horumar waara in dalkeennu gaaro.

Ciid wanaagsan ku ciida.
كل عام وأنتم بخير.

15/05/2026

Dhaman ardayda jaamacada salaam oo uu ugu horeeyo madaxweynaha midowga waxey Hambalyo qiimo badan u dirayaan dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo halyeeyadii Somali Youth League SYL ee horseeday xorriyadda, midnimada, iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Dhalinyaradu waa rajada dalka, waana iftiinka mustaqbalka. Ha sii jirto waddaniyadda, isku duubnida, iyo horumarka Soomaaliyeed.

Guul iyo gobannimo Soomaaliyeed ❤️🇸🇴

Photos from SALAAM UNIVERSITY STUDENTS ASSOCIATION's post 09/04/2026

Golaha Fulinta ee Xukuumadda Ardayda Jaamacadda Salaam (SUSA) ayaa qabtay kulankoodii billaha ahaa, kaas oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Xukuumadda, Mudane Ahmed Abdi Yusuf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobbada muhiimka ah ee soo socda:
1. Qorshe-howleedka bisha Abril
2. Qabsoomidda tartanka SUSA CUP
3. Diyaarinta bandhigga sanadlaha ah ee “Students Skills Showcase and Award Ceremony”

Shirka ayaa ku soo dhammaaday jawi deggan oo miro-dhal ah, iyadoo xubnaha Golaha Fulinta loogu baaqay in ay dardargeliyaan fulinta go’aannadii lagu heshiiyay si loo xaqiijiyo guul iyo horumar muuqda.

DHAMMAAD

SUSA OFFICE

Photos from SALAAM UNIVERSITY's post 18/03/2026

Xukuumadda Ardayda waxaa si dhab ah uga go’an tahay samafalka iyo ka warqabka dadka danyarta ah, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo dhibaatooyinka.

Photos from SALAAM UNIVERSITY STUDENTS ASSOCIATION's post 14/03/2026

Qeybtii labaad ee deeqda samafalka ayaa Xukuumadda Ardayda Jaamacadda Salaam gaarsiisay qaar kamid ah qoysaska danyarta ah ee aan awoodin wax ay ku afuraan, iyadoo laga faa’iideysanayo dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Deeqdan samafalka ah oo la gaarsiiyey qoysaska aadka u liita ayaa qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo qoysaska u baahan inta lagu jiro bisha barakeysan, waxaana dadaalladan samafalka ah sii wado ardayda Jaamacadda Salaam si loo garab istaago bulshada danyarta ah.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhammaan Ardayda Jaamacadda Salaam, Xukuumadda Ardayda, iyo Xafiiska Arrimaha Ardayda oo door weyn ka qaatay uruurinta iyo gaarsiinta deeqdan samafalka ah.
Alle haka abaal mariyo dhammaan intii ka qeyb qaadatay samafalkan, kana yeelo mid ajar iyo barako leh.




🤲

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Wadada Wadnaha Street
Mogadishu