Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU

Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU

Share

Photos from Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU's post 23/02/2026

Shirka Gudoomiyasha kuliyadaha computer technology ee jaamacadaha gobalka banaadir

Gudoomiyaha kuliyada engineeriyada iyo culuumta technologyada Mudane ENG MOHAMED ADAN AHMED ayaa ka qeyb gale shir ay isagu imaaden dhamaan kuliyadaha culuumta technologyada ee jamacadaha gobolka banaadir.

Shirka oo ay soo agaasinta naadiga ardayda kuliyada Computer Technology ee jaamacadda SIMAD

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd xoojinta wada shaqeynta, horumarinta xiriirka ka dhexeeya ardayda kuliyadaha Computing, iyo kor u qaadidda isdhexgalka iyo mideynta ardayda, si loo abuuro iskaashi wax ku ool ah oo waxtar u leh horumarka waxbarashada iyo hal-abuurka.

Qodobada rasmiga ah ee ka soo baxay shirka waxaa kamid ah:
• In si rasmi ah loo dhiso Midowga Ardayda Kuliyadaha Computing, si loo helo matalaad mideysan oo heer gobol ah.
• In la xoojiyo isdhexgalka iyo iskaashiga ardayda Kuliyadaha Computing, si loo kobciyo wada shaqeynta iyo isfahamka.
• In la horumariyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya ardayda Kuliyadaha Computing, si loo mideeyo dadaallada hormarineed.
• In kor loo qaado mideynta ardayda Computing, si loo abuuro fursado waxbarasho, cilmi-baaris, iyo hal-abuur oo ballaaran.

Shirkan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo iskaashi rasmi ah, laguna xoojinayo horumarinta waxbarashada Computing iyo kobcinta hoggaanka ardayda ee Jaamacadaha Gobolka Banaadir.

Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU
Midowga Ardayda Jaamacadda SIU
Somali International University - SIU

20/02/2026

Ramadan Mubarak

Allaha Inaga dhigo kuwa ka faa'iideysta khayrka bishaan barakaysan ee Ramadan, sidoo kalena acmashoda iyo ducooyinkooda la aqbalo

Si'aan ugu faa'iideysano fadliga bishan barakysan
dardaarankenna maanta..

- Yarenta social media 50%
- Kordhinta qur'anka karemka 50%

Isbedel yar = Natijo weyn


#جمعةطيبة
Mohamed Omar Farah
H.E Scial affairs

Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU
Somali International University - SIU

19/02/2026

MAGACAABIS RASMI AH

Guddoomiyaha Kuliyadda Engineeriyada iyo Culuumta Tiknoolojiyada
Mudane Adan Ahmed ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay xukuumaddiisa cusub xukuumadaasi oo hoggaamin doonta hawlaha kuliyadda muddada soo socota.

Magacaabistan ayaa ku timid kaddib qiimeyn iyo latashi ballaaran, iyadoo la tixgeliyay kartida, hufnaanta iyo waayo-aragnimada iyo baahida loo qabo hogaan cusub oo kuliyada yeelato.
Xukuumaddan cusub waxa laga rajaynayaa inay dardar geliso horumarka kuliyadda, xoojiso wada shaqaynta, isla markaana hirgeliso qorshayaasha mudnaanta leh.
Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha cusub ku boorriyay inay si daacadnimo, masuuliyad iyo wadajir ku dheehan tahay u gutaan waajibaadkooda, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo.

Ugu dambayn.
Guddoomiyuhu waxa uu u rajeeyay xukuumadda cusub guul iyo waxqabad muuqda.

Hamplyo xukuumada cusub.


Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU
Midowga Ardayda Jaamacadda SIU
Somali International University - SIU

Want your university to be the top-listed University in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address

Wadada Warshadaha
Mogadishu