Bulsho Insight
03/04/2026
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, wadajirka bulshada, iyo xal u helidda khilaafaadka jira.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta dadaallada nabadaynta, iyadoo Madaxweynaha uu Odeyaasha kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo dib u heshiisiinta bulshada dhexdeeda. Madaxweyne Jabriil ayaa adkeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka.
Odeyaasha Dhaqanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay kulanka iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro deegaanka.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Odeyaasha kaalintooda muuqata wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada.
03/04/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo.
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee magaalada Baydhabo ayaa daaran, dardargelinta adeegyada bulsho ee loo hayo shacabka deegaanka, xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doonaa hoggaanka KMG ah ee dowlad goboleedka, Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta iyo qeybaha bulshada, iyada oo diiradda la saaridoono adkeynta amniga, socodsiinta adeegyada dowladnimo ee bulshada loo hayo iyo hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod, si loo xaqiijiyo himmilada shacabka soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Mogadishu