Heliwaa Academy
22/05/2026
🚨News
17/05/2026
It's Final Day♥️
Heliwaa Ac U16
Good Lucky Our Boys
13/05/2026
Warbixin Mahadcelin ah — Heliwaa Academy U14 & U12
Waxaa sharaf weyn iyo farxad noo ah inaan hambalyo iyo mahadcelin u dirno ciyaartoyda, macallimiinta, maamulka, iyo taageerayaasha kooxda Heliwaa Academy gaar ahaan qeybaha U14 iyo U12 kuwaas oo sanadkaan sameeyay taariikh cajiib ah.
Muddo hal bil gudaheed ah ayay kooxahani ku guuleysteen 3 koob oo kala duwan, iyagoo aan laga badin hal kulan — rikoor muujinaya dadaal, karti, anshax, iyo shaqo wadajir heer sare ah.
Guushan ma ahan oo keliya koobab la qaaday, balse waa calaamad muujinaysa horumar, tababar joogto ah, iyo mustaqbal ifaya oo ay leeyihiin ciyaartoyda da’da yar ee Heliwaa Academy.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa:
Macallimiinta iyo tababarayaasha dadaalka badan
Waalidiinta garab istaagga joogtada ah
Taageerayaasha dhiirrigelinta siinaya carruurta
Iyo ciyaartoyda naftooda oo muujiyay geesinimo iyo karti cajiib ah
Heliwaa Academy waxay sii wadaa dhismaha jiil cusub oo kubadda cagta Soomaaliyeed matali kara mustaqbalka dhow.
Hambalyo Heliwaa Academy U14 & U12! 3 Cups • 1 Month • Unbeaten Champions 🏆🔥
“Guushu waxay timaadaa marka dadaal, isku duubni iyo kalsooni ay midoobaan.”
Click here to claim your Sponsored Listing.
Website
Address
HILWAA