CARIS Initiative
19/03/2026
🌙 Ciid Mubaarak! ✨
Maamulka iyo shaqaalaha CARIS Initiative
waxay hambalyo kal iyo laab ah u dirayaan dhammaan umadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Somaliland, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu naga aqbalo acmaashii suubbanayd ee aynu soo gudannay bishii Ramadaan,
nagana gaadhsiiyo sannado badan oo nabad, horumar iyo barwaaqo leh.
Farxad ku ciida dhammaantiin! 🤝
Today, March 8, we proudly celebrate International Women’s Day, a day dedicated to honoring the strength, resilience, and achievements of women around the world.
At CARIS Initiative, we recognize the vital role women play in building strong families, thriving communities, and a better future for all. We remain committed to standing beside women, supporting their rights, amplifying their voices, and creating opportunities that empower them to reach their full potential.
On this special day, we would also like to give special recognition and appreciation to Umalkhayr Heiz Mohamed and Hamda Khadar Daahir, who are dedicated members of the CARIS Initiative Women’s Team, for their commitment and contributions in supporting and empowering women within our community.
Together, we celebrate women today and every day
Happy International Women’s Day – March 8.AccelerateAction
19/02/2026
CARIS Initiative
02/02/2026
MAALINTA DHAMMAYSTIRKA IYO XIDHITAANKA TABABARKA
“UNDERSTANDING DEMOCRACY AND ROLE OF CITIZENSHIP”
Maalintii dhamaystirka iyo xidhitaanka tababarka Understanding Democracy and Role of Citizenship ayaa si guul leh uga qabsoontay Berbera Youth Center, Gobolka Saaxil, iyadoo ay ka soo qaybgaleen xildhibaanno, masuuliyiin iyo siyaasiyiin dhalinyaro ah. Munaasabadda xidhitaanku waxay xoogga saartay muhiimadda fahamka dimuqraadiyadda iyo ka-qaybgalka muwaadiniinta, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.
Tababarku wuxuu ku soo idlaaday jawi guul iyo rajo leh, isaga oo muujiyay iskaashi wax-ku-ool ah oo u dhexeeya daneeyayaasha arrimaha dimuqraadiyadda iyo ka-qaybgalka bulshada, si loo xoojiyo hoggaan mas’uul ah iyo bulsho si firfircoon uga qaybqaadata mustaqbalkeeda.
📍 Goobta: Berbera Youth Center, Saaxil – Somaliland
đź—“ Taariikh: Sabti, 31 Jan 2026
01/02/2026
MAALINTA 1-AAD EE BARNAAMIJKA
“UNDERSTANDING DEMOCRACY AND ROLE OF CITIZENSHIP”
Maalintii koowaad ee barnaamijka Understanding Democracy and Role of Citizenship ayaa si guul leh uga qabsoomay Berbera Youth Center, Gobolka Saaxil, iyadoo ay ka soo qaybgaleen dhalinyaro iyo haween ka kala socday bulshada deegaanka.
Barnaamijku inuu qabsoomo waxaa kaalin wayn ka qaadatay Marwo Nimco Maxamed Cabdillaahi, Musharraxad Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland.
Dhanka kale, CARIS Initiative oo fulinaysay tobabarku waxay muujisay doorkeeda ku aaddan garab-istaagga iyo horumarinta ururada arima bulshada iyo haweenka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo diiradda saartay wacyigelin, dhiirrigelin, iyo xoojinta ka-qaybgalka haweenka ee hoggaanka iyo go’aan-qaadashada.
Barnaamijkani wuxuu astaan u yahay iskaashi wax-ku-ool ah oo u dhexeeya musharrax u heellan bulshadeeda iyo hay’ad bulsho oo ka shaqaynaysa xoojinta doorka haweenka, dhalinyara iyo si guudba bulshada, si loo helo dimuqraadiyad ka tarjumaysa codka muwaadiniinta.
📍 Goobta: Berbera Youth Center, Saaxil – Somaliland
đź—“ Taariikh: Jimce, 30 Jan 2026
29/01/2026
KALKII 3AAD IYO BARNAMIJKEENI UNDERSTANDING DEMOCRACY AND ROLE OF CITIZENSHIP
Barnaamijkan oo ah mid sii socda ayaa h**e si guul leh uga qabsoomay magaalooyinka Burco iyo Gabiley, waxaana haatan kalkiisan lagu qabanayaa Magaalada Berbera, Gobolka Saaxil. Barnaamijku wuxuu diiradda saaraya fahamka dimuqraadiyadda iyo doorka muwaadinku ku leeyahay horumarka bulshada iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan ka-qaybgal, isla markaana waa barnaamij gaadhi doona dhammaan gobollada Somaliland. Kalfiisan Berbera waxaa marti ku ah Hon. Ms. Nimco Maxamed, Musharraxad Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland.
Organiser & Implementation: CARIS Initiative
📍 Location: Berbera, Gobolka Saaxil
🏢 Goobta: Berbera Youth Center
đź“… Wakhtiga: Jimce & Sabti, 30 & 31 Janaayo 2026 : 6PM
https://www.facebook.com/profile.php?id=61579357625830
23/01/2026
🎓✨ SI RASMI AH AYAA LOO SOO GUNAANADAY TABABARKA EMPLOYABILITY SKILLS ✨🎓
Waxaan si farxad leh u shaacinaynaa in shalay si guul leh loo soo gabagabeeyay Tababarka Employability Skills oo socday muddadii bil iyo badh ah, kuna salaysnaa horumarinta xirfadaha shaqo, kalsooni-dhisid, iyo u diyaargarowga suuqa shaqada.
Tababarka waxaa si wadajir ah u fuliyay Caris Initiative iyada oo iskaashi miro-dhal ah la yeeshay GOLLIS University. Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka-qaybgalayaasha muujiyay dadaal iyo joogteyn intii uu tababarku socday.
📌 Inkasta oo casharradii la soo afmeeray, shahaado-bixintu weli way dhimantahay, waxaana la bixin doonaa waqti dambe oo si rasmi ah loo shaacin doono. Ka-qaybgalayaasha dhammeystay tababarka ayaa mudan helitaanka shahaadada.
Maanta waa bilow cusub đź’Ş
Guul iyo mustaqbal ifaya ayaan u rajaynaynaa dhammaantiin.
07/01/2026
Maalinta Labaad – Tababarka Fahanka Dimuqraadiyadda & Doorka Muwaadinnimada | Burco
Si guul leh ayuu u qabsoomay maalintii labaad ee tababarka Understanding Democracy and the Role of Citizenship oo ka socday magaalada Burco.
Maalintan waxa si qoto dheer diiradda loo saaray dood furan, is-weydaarsi fikradeed, iyo fahamka doorka muwaadinka ee horumarinta dimuqraadiyadda.
Tababarku waxa uu si rasmi ah u soo xidhmay 2 / 1 / 2026, waxaana ka qaybgalayaasha la guddoonsiiyay shahaadooyin, taas oo muujinaysa dadaalkooda iyo ka-qaybgal firfircoon ee ay muujiyeen intii uu socday barnaamijku.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha, qabanqaabiyayaasha, iyo cid kasta oo door ka qaadatay hirgelinta tababarkan miro-dhalka ah.
✨ Horumar bulsho wuxuu ka bilaabmaa muwaadin wacyi leh.
04/01/2026
📸 TABABAR SI GUUL LEH U FULAY – BURCO
CARIS Initiative, oo kaashanaysa Jiheeye Institute, waxay si guul leh u fulisay maalinta koowaad ee tababarka Fahanka Dimuqraadiyadda iyo Doorka Muwaadinnimada 1-da bisha Janaayo, magaalada Burco, Somaliland.
Tababarka waxaa bixinayay Arafat Hussein Osman, Chairman-ka CARIS Initiative, waxaana maalintaas si qoto dheer diiradda loogu saaray fahamka dimuqraadiyadda, masuuliyadda muwaadinka, iyo doorka ka-qaybgalka bulshada ee dhismaha nidaam dimuqraadiyadeed oo waara. Ka-qaybgalayaashu waxay muujiyeen firfircooni iyo is-dhexgal wax-ku-ool ah.
Tababarkani waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee CARIS Initiative ay ku xoojinayso wacyiga bulshada iyo kobcinta muwaadinnimada mas’uulka ah.
📍 Burco, Somaliland
01/01/2026
📣 SHAACIN TABABAR – BURCO, SOMALILAND
CARIS Initiative, oo kaashanaysa Jiheeye Institute, waxay si rasmi ah u shaacinaysaa qabsoomidda tababar ku saabsan:
🗳️ Understanding Democracy and the Role of Citizenship
(Fahanka Dimuqraadiyadda iyo Doorka Muwaadinnimada)
Tababarkan waxa uu socon doonaa 2 cisho:
🗓️ 1 & 2 January 2026
Waxa uu tababarku diiradda saaraya:
Fahamka aasaaska dimuqraadiyadda
Xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta
Doorka dhalinyarada iyo bulshada ee nidaamka dimuqraadiyadeed
Kor u qaadista wacyiga muwaadinnimada firfircoon
👨‍🏫 Trainer:
Arafat Hussein Osman
Chairman – CARIS Initiative
📍 Goobta: Burco, Somaliland
Tababarkan waa qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo fahamka dimuqraadiyadda iyo ka-qaybgalka muwaadiniinta ee horumarka bulshada.
14/12/2025
Last Thursday, December 11, 2025, an Employability Skills Training was officially launched at Gollis University, implemented by Caris Initiative.
The training, which will run for one month, is led by the Director of Caris Initiative, Abdirahman Daud, with the participation of multiple trainers from diverse professional backgrounds. The program focuses on employability skills, including CV and cover letter writing, interview techniques, professional communication, and preparing youth for the job market.
Caris Initiative remains committed to empowering young people and expanding sustainable employment opportunities.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
252