Aw-Kaabe
12/06/2026
“Aada meelaha buuqa qaylada iyo sacabku ka baxayaan. kana taga Gaza oo caruurteedii ilamaynayaan, haweenkeediina goblameen. Rageediina burbur hoostiisa ku jiraan, ka taga Al-Aqsa oo keligeed ah; qof kastana wuxuu ku mashquulsan yahay waxa isaga u gaar ah.”
—muslimku haguulaysto.
12/06/2026
Qiyaastii hal milyan oo taageerayaal Carbeed ah ayaa booqan doona Maraykanka si ay u daawadaan Koobka Adduunka.
Ma weydiinayo sababta aynan ugu dhaqaaqin Gaza ama Qudus, bal aynu xisaabino.
Haddii taageere kasta uu doonayo raaxo buuxda inta tartanku socdo:
Tigidhka diyaaradda (tagid iyo soo laabasho): $1,500
Huteel heer sare ah muddo laba toddobaad ah: $6,000
Cunto, madadaalo iyo gaadiid: $3,000
Tigidhada ciyaaraha: $500
Wadarta uu bixinayo taageere kastaa waxay noqonaysaa qiyaastii $11,000.
Hal milyan oo taageere × $11,000 = qiyaastii $11 bilyan.
$11 bilyan ayaa lagu kharash garayn doonaa Maraykanka... ciyaar darteed!
Xaggee lacagtaas loo weecin karaa?
Gaza, dabayluhu waxay ka siibaan teendhooyinka dushooda carruurta iyo haweenka iyagoo hurda. Waxay seexdaan hoy la’aan, iyada oo aan jirin saqaf ka ilaaliya duufaannada iyo qabowga daran, halka balaayiin doollar lagu bixinayo ciyaaro iyo madadaalo.
Qofkii kuu sheega in dhaqankan uu bannaan yahay, wuu ku marin habaabinayaa.
Qofkii kuu sheega in lacagtaada aad u isticmaali karto sidaad doonto adigoon wax xisaab ah lahayn, wuu ku marin habaabinayaa.
Qofkii kuu sheega inaadan wax dembi ah ku lahayn arrintan, wuu ku marin habaabinayaa.
ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيم
Click here to claim your Sponsored Listing.