SS Media
09/09/2025
Fadlan Caawi Qoyskaa Saddexda Caruurta ahi, Dabku Burco kaga dilay.
19/03/2025
Maareeyaha Dekeda Siciid Xasan Cabdilahi Waa Masuul ku Suntan Waxqabadka Balaadhan ee Dekeda, kana Mida Masuuliyiinta Firfircoon ee Xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Diblumaasi oo ka Fog Cuqdaad iyo Ciil-qab....
Maareeyaha Dekedahaha Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Xasan Waxa uu Xaranka ugu maqan yahay Cimro iyo Cibaado Ebbe inagu Waajibiyay.
Madaxweynaha La Doortay ee qaranka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi maha Ciil-qabe waa Oday xariir ah, mana yaqaano hor-boodka dabinada iyo munaafada ay maleegan shaqsiyaadkii ilaa 2017-kii ku fashilmay inay kursiga Maareeyaha Dekeda Berbera ugu fadhistaan. Shirqoolada iyo been abuurada, mudooyinkii u dambeeyay ku hayaan shaqsiyaad siffooyin cunsuriyadaysan doonaya inay dheef ugu helaan isbedelkii dhacay ee ahaa inay Somaliland wada guulaysatay, ayaa farogelin ku hayaa shaqada madaxweynaha ee ahaa inuu si madaxbanan u xusho xilalka qaranka cida u daynaayo iyo kan u bedelayo.
Koox fadhi ku dirir ah, waxay ku dawakheen madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro muxuu u bedeli waayay Maareeyaha Dekeda, hase-yeeshe waxa meesha ka saareen in madaxweynuhuu aanu ahayn ciilqabe masuuliyiinta qaranka ku beegsanaya kaasa kaasoo horjeeday Buugaas waa la laabay, taas bedelkeeda qof kastaa oo masuul ah oo shaqadiisa kasoo bax, si hufaana ugu adeegay qarankisa, wuu joogayaa shaqada iyo masuuliyadda u hayo.
Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi waxa u ku suntan yahay waxqabadka balaadhan iyo horumarada baaxada leh ee ay ku talaabsatay dekedda Berbera.
Maareeye Siciid Waa Shaqsiyad dahab ah oo kamid ah Xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, iyadoo Dekeda Berbera tahay goob xasaasiya oo aan u baahnayn caadifad iyo indho la'aan madaxda qaranka lagu cunsuriyadeeyo.
Qalinkii
Farxaan Aadan Jama
Berbera /Somaliland.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Hargeisa
HGA