Mustafe Adan

Mustafe  Adan

Share

24/04/2026

Iran khalijka maxay

Islaan baa maqashay iyadoo la leeyey maraykan ayaa Iran duqeeyey Iranna waxay duqaysay khalijka carabta

Islaantii hadalkaasi dhawr jeer buu kuso laablaabtay maalintii dambe ayey oday jaarka ah sheekaynaya dhagaysatay marku dhameeyey
Ayey ku tiri tan irantu ma fulayba
Odaygii maxaa dhacay buu ku yidhi

Islaanti maraykan baa duqeeyey ee maxay isaga u duqayn wayday
Odaygi baa ku yidhi aniga tusaale ku siinaya wuu iskaga tagay

Islaan ay islaanta is hayeen ama dagaal ka dhaxeeyey oo ay kala fogaayeen ayuu odaygii soo ka xeeyey gurigiisa ayuu keenay

Islaantii ba ogaatay in islaanti dagaalku ka dhaxeeyey ay guriga odayga joogto dhagax bay ku bilowday

Reerkii baa jiifsan waayey habeenkii oo dhan bay shiida
Odaygii baa la hadlay oo ku yidhi dhagaxa maad naga daysid waxay tiri waaye aan idinka daaye islaantan dagaalku naga dhaxeeyo iska soo saara odaygii intuu qoslay ayuu ku yidhi

Iran khalij waxay ku haysataa maraykan iska saara aan duqaynta idinka daynee

✏️mustafe Adan

04/02/2026

Farxiya fiska oo afka furatay

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Hargeisa
252