Somaliland Digest

Somaliland Digest

Share

17/03/2024

Ducoqabayaal Sheeko yar oo aynu afurka ku sugno weeyane, beri baa bas aanu soo raacnay aanu ugu talo galnay in uu meel dheer na geeyo, dareewal dadkii u batayn in uu xariif yahay baanu lacag siino xilkaas weyn ee dareewalnimada u magacownay.

Shaw waxaanan ogaynba dareewalku wuu indha la, yahay oo habeenkii iyo casar kadiba waxba ma arko, kaaga daran ee dareewalku dadka baska wada saaran ayuu isku diri yaqana oo intaanan meelba gaadhin ayuu shaki iyo naxli dadkiiba kala wada dhex dhigay, wuxuu gaadhsiiyey in uu dadka intii xaga h**e fadhigay iyo intii xaga danbe uu kala gur iyo kala haybo ku sheego, qofba qofkii uu dareewalka kursi ka xigo wuu kasoo dhoweystaa.

Cilad kalena dareewalku wuu lahaa oo dal yaqaan muu ahayn, wuu nala ambaday, mid kalena wuu ku darsadoo, qofkii is dhaha sax oo u sheeg in uu ambaday dagaalka iyo afxumada ninkaas kasoo yeedhaysa waad yaabaysa

Qoraalka waan dheereye waa part1

Nala wadaag aragtidaada.

12/03/2024

Dalalka Ingiriiska , Denmark , Finland , Norway iyo Sweden ayaa si weyn u soo dhaweeyey in xeerarkii Doorashooyinka Somaliland ay soo dhamadeen , waxaana ay ku tilmaameen talaabo loo qaadey dhanka Dimuqraadiyada .

Waxaa ay ku baqeen in Doorasho xor iyo xalaal ah ay dhacdo 13 Nov .2024 .

10/03/2024

Waxaan u hambalyeynayaa Saxiibkay Mohamed Gaandaa oo Kal-fadhigii xalay ee Gudida Saxaafada Xisbiga Waddani loogu doortay Afhayeynka Gudida Saxaafada Waddani UK. Alle xilka hakugu asturo oo hakuu fudeedeyo.

https://www.facebook.com/share/v/99kyVFJa3Nc2DeQe/?mibextid=WC7FNe

09/03/2024

Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo War-saxaafadeed soo saaray.

09/03/2024

Alle ayaa mahad oo dhan iska leh. Waanu soo dhoweeneyna saxeexa xeerka doorashooyinka ee Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday kusoo afmeerey murankii mudada dheer soo jirey,

Doorashooyin qurxoon oo caalamka soo jiita Somalilandna ka maydha wixii soo marey oo isbedel khayr qaba curiya baynu u diyaargaroobayna insha Allah

Saeed Sanweyne
Xoghayaha Waddani Uk

Want your business to be the top-listed Media Company in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address

Hargeisa
Hargeisa