TAG Foundation
16/11/2025
Ilaalilaahi wainaa ileyhi Raajicuun
Dhammaan Maamulka iyo Hawlwadeenada Haayada TAG Foundation waxay ka tacsiyaynayaan geerida kutimid alle ha uraxmadee Guddoomiyihii Degaanka Halabookhad IDP Caaqil Cabdulaahi Xuseen Aw Maxamed(Cirfe)
Dhammaan qoyskiisa Carruurtiisa iyo bulshada Halabookhad ba waxaan leenahay samir iyo imaan Alle ha idinka siiyo.
Aaaaamiiiiiin🤲🤲🤲🤲🤲
11/04/2025
Anigoo Ah Asha Gelle waxaan xanuunka Geerida la qaybsanayaa Familkayga geerida kutimid wiilkaan ayayda u ahayd ee Rashiid Xuseen Cabdirixmaan oo gacan ka xaqdaran cawa Gaalkacyo kudishay
Ayeeyo jannadii Fardawsa allaha kugeeyo.
dhammaan qoyska oo wiilkaan eeddada u ahay Xuseen Cabdirixmaan ugu horeeyo samir jamiila Rabi hanaga siiyo.
Ma dhinte waa Illaah
07/01/2025
Guddoomiyaha Haayada TAG Foundation Marwo Asha Gelle Diriye iyo Dhammaan Hawladeenada ayaa Hambalyo Udiray Guddoomiye kuxigeenka TAG Foudantion oo loo doortay Guddoomiye Kuxigeenka Golaha dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed.
Fatima Gaashaan waxay ahayd mashiinka haayada iyo aasasayaashii TAG Foundation
Waa shaqsi hawl kar ah oo arrimaha dhalinyaro, Nabada iyo haweenba ka shaqaysaa.
Masuuliyadaana waa hubaa inay kasoo bixinkarto.
Horay usoco.
"Baaq Nabadeed
Caasha Gelle"
Guddoomiyaha Haayada TAG Foundation
"Reer Ceerigaabow reer Mudug cashar ka barta"
walaalayaal intii dhimatay alaha u naxariisto, anigoo magaca reer Mudug ku hadlaya waxaan idin leenahay walaalayaal dagaalka joojiya, is aqbala, anaga Reer Gaalkacyo/Mudug markaan dagaal ka daalay , oo isku daalay, kumanaan wiil naga dhinteen, Soomali Madax iyo waxgarad madaw iyo Cadaan naga Caalwaayeen, anagaa iskayo u fahamnay in aanan kala guureyn oo is dhamayn karin ,caqligaa nagu soo dagay ,illaah baa nala garab galay, waa heshiinay, waa is aqbalnay, reer walba ayagaa is maamula oo hoggaankooda la siyaasad ah, wax naga dhexeeya oo noo shaqeeyeyna waa samaysanay, waana ku guuleysanay, maanta reer mudug dal iyo dibad waa isku duubanay, ma jiro cid ku dhiiran karta in nabad daro ay reer mudug ka dhex kaluumaytaan. Walaalayaalow reer Ceerigaabow waad is dhasheen, deegaan baad wada tihiin , idinkaa cid kasta iska xiga, isma maquunin kartaan,wada fariista oo is aqbala intaan wiilal kale dhiman, caqligu haydiin shaqeeyo Anaga reer Mudug ahna cashar naga barta".
Nabad baa naas la nuuga leh.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Gaalkacyo
252