GO Delivery

GO Delivery

Share

15/05/2016

Ma rabtaa inaad noqoto qof la jecel yahay / la tixgaliyo?

Hamoodin qofku inuu soo dhasho isagoo la tixgaliyo ama la jeclyahay. Laakiin waa wax la kasbado lana gaadho marka la maro dadaal iyo daal badan.Ma rabtaa inaad noqoto qof la tixgaliyo oo la jecelyahay, hadaba isku tarbiyee sifooyinkan 20ka’ah:Badi dhoola cadaynta, waji furnaanta “ muusoodka “Si run iyo daacadnimo ku jirto u amaan qofkii u qalma adigoo ka madhan laba wajiilanimada, soo jiidasho iyo nifaaqba.Ka fogow muranka iyo dood badanba waayo waa bilowga canaadka, colaada iyo kala gu’ida e.Ula dhaqan dadka oo dhan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo adiga.Iska yaree canaanta una cudurdaar qofkii kugu gafa ( kugu khaldama )Iska ilaali cadhada siday doonto ha ahaato’e waayo waxay fal shaydaan. La soco caafimaadka iyo caqligana aad bay ugu darantahay.Badi salaanta, waayo walaaltinimada ayay xoojisaa.Hadii aad awoodo sii Hadiyad haba yaraato qiimaheedu’e, ehelkaaga iyo asxaabtaadaba.Isbar inaad dhagaysato qofka kula hadlaya, barona habka wax loo dhagaysto inta aadan baran habka loo hadlo.Ka fogow balaayeysiga iyo baasaysigaba, rajadana iyo yididiiladana badi, waayo rajada oo la badiyo waxay kuu noqonaysaa taageero iyo xoog aad ku dhaafto waqtiyada adag e.Iska jir qalbi adayga iyo calool adaaygaba waayo waa sifooyinka doqoniimada e.Markaad fikrad soo ban dhigayso qof dareensii inay tahay wax aad wada leedihiin oo aanad ka fariidsanaynayn kana caqli badayn.Iska jir isla waynida tusna dadka inaad tahay iyagoo kale, heerka aad doontaba aad gaadhide, waayo Rabiigeen sw ma eego qofka isal wayn qiyaamaha, lan soco in Aadam iyo xaawo ay in wada dhaleen dhmmaanteen.Badi saamaxaada iyo cafiga waayo nadaafada qalbiga iyo naftaba e.Marka aad qof waaninayso ilaali dareenkiisa oo ha ku odhan ereyo dhaawacaya qalbigaysiisa iyo naftiisa toona.Caawi oo garab sii qayrkaa marka ay kuu baahan yihiin waayo Rabi baa kuu kaalmayn doona maalainta aad baahatoe.Iska ilaali dhaliisha aflagaadada iyo naqdiga badan waayo kalmada xumi qalbiga ayey wax yeeshaa, waxaa laga yaabaa inay colaad iyo nacayb isu bedeshoe.Ha badin qosolka aan haboonayn - waayo qosolka aan macnaha lahayni haybada iyo daganaanta ayuu kaa qaadayaa e.Isbar dulqaadka iyo adkaysiga waayo waa laba sifo oo Rabigeen iyo Rasuulku csw ay jecel yihiinKa faaíidayso waxyaalaha wanwanaagsan ee hareerahaaga ah noqona sida shinida oo kale waayo inta ay kolba ubax fuusho ayey kala baxdaa Manka iyo Muudkabaa
WQ: Faduma Sh Ibrahim

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Website

Address

Yei Road
Burco

Opening Hours

Monday 06:00 - 00:00
Tuesday 06:00 - 00:00
Wednesday 06:00 - 00:00
Thursday 06:00 - 00:00
Friday 06:00 - 00:00
Saturday 06:00 - 00:00
Sunday 06:00 - 00:00