Samo-kaab Organisation
13/06/2026
Maanta waxaa imtixaan tijaabo ah laga qaaday ardayda uu ururku waxbarashada siiyo, gaar ahaan kuwa ku dhow qalin-jabinta.
Imtixaankan ayaa qayb ka ah dadaallada kor loogu qaadayo tayada waxbarashada iyo heerka aqooneed ee ardayda, si loo qiimeeyo horumarkooda loona ogaado meelaha u baahan xoojin dheeraad ah.
Xubnaha ururka ayaa si wadajir ah u fuliyay hawshan muhiimka ah, iyagoo muujiyay sida ay uga go'an tahay horumarinta aqoonta iyo diyaarinta bulsho wax baratay.
27/05/2026
عيدكم مبارك تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال ❤️
Ciid wanaagsan nabad iyo caafimaad
Ku ciida dhamaantiin.
Gudoomiye Ali Siciid Mohamed waxaanu uga mahadcelinaynaa sida hufnaanta lahayd ee uu u maareeyay una qabanqaabiyay doorashadii ururka, taas oo ku dhacday jawi degan iyo is ixtiraam.
Hoggaankiisii iyo juhdigiisii waxay reebeen raad wanaagsan oo mudan qadarin iyo xusuus.
mahadsanid gudoomiye 😊 🙏
24/05/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Guddoomiyaha ku guuleystay doorashadii guddoomiyenimada ururka.
waxa xilkaas kuso baxay mudane Muuse Bashiir Xiis iyo Ayaan Maxamed Mire oo noqday gudoonkii 5aad ee ururka soo mara.
Waxaan u rajaynaynaa hoggaan wanaagsan, cadaalad, iyo inuu ururka gaadhsiiyo horumar iyo guulo waaweyn. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa musharax Cabdifataax Axmed Jaamac iyo xubnihii ka qayb qaatay doorashada oo ku dhacday jawi wanaagsan iyo is ixtiraam.
Hambalyo Guddoomiye. Alle xilka ha idinku asturo 🎉
23/05/2026
Sawirro hordhac ah oo laga qaaday doorashadii ururka oo shalay Jimcihii si habsami leh noogu qabsoontay.
Waxaan u mahadcelinaynaa gudida doorashada oo runtii galiyey waqti badan sidii ay doorashadaasi si qurxoon ugu qabsoomi lahayd.
waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa dhammaan xubnihii ka qayb qaatay qabsoomida doorashada iyo musharaxiintii tartanka ka qayb galay oo iyana dedaal iyo wada shaqayn muujiyey.
21/05/2026
Waxaa si rasmi ah u socda diyaar garowga iyo ololaha doorashada ururka, iyadoo ay isu soo sharaxeen xubnahan kala ah:
• Musharax gudoomiye: Abdifatah Ahmed Jama
• ku xigeenkiisa: Asma Khalil Abdurrahman
• Musharax gudoomiye: Muuse Bashiir Xiis
• ku xigeenkiisa; Ayaan mahmed mire
Doorashadani waxay muhiim u tahay jihada iyo mustaqbalka ururka, maadaama hoggaanka la doortaa door weyn ka qaadan doono horumarinta shaqooyinka ururka, xoojinta wada shaqeynta xubnaha, iyo hirgelinta himilooyinka ururka.
Waxaan dhammaan musharaxiinta u rajaynaynaa tartan hufan oo ku dhisan ixtiraam, walaaltinimo, iyo isu tanaasul, halka xubnaha kalena aan ku dhiirigelinayno inay doortaan hoggaan leh karti, aragti, iyo masuuliyad.
18/05/2026
HAPPY INDEPENDENCE DAY!
Hambalyo munaasabadda qiimaha badan ee kasoo wareegtay sannad guurada 35aad ee dib ula soo noqoshada madaxbannaanida jamhuuriyadda Somaliland.
– RECOGNITION & RESILIENCE –
– AQOONSI & ADKAAYSI –
16/05/2026
Shirkan muhiimka ah oo shalay May 15/2026 noo qabsoomay ayaa lagaga hadlay arrimo door weyn ka qaadanaya horumarka iyo hufnaanta shaqada ururka.
Kulanka waxaa guddoomiyaha lala wadaagay warbixino ay soo diyaariyeen agaasimayaashu, iyadoo diiradda la saaray horumarinta ururka, xoojinta wada shaqeynta, iyo isku dubaridka hawlaha kala duwan ee ururka ka dhex socda.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu falanqeeyay qorshayaal iyo fikrado cusub oo kor u qaadaya waxqabadka iyo wadajirka xubnaha ururka.
Maalinta Hooyooyinka awgeed, waxaan hambalyo iyo qadarin u diraynaa dhammaan hooyooyinka dadaalka badan, gaar ahaan hooyooyinka suuqa ee maalin walba u taagan horumarinta aqoontooda iyo xirfadahooda.
Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka noqono kor u qaadista aqoontooda iyo awooddooda, si ay u helaan mustaqbal wanaagsan.
Hooyo walba waa halyeyad bulshadeeda iftiin u ah. 💙
-kaab
25/04/2026
We were honored to participate in a two-day professional workshop organized by Swiss Agency for Development and Cooperation and implemented by DT Global for healthcare professionals.
The training focused on strengthening service quality, improving institutional performance, and enhancing staff capacity within the health sector. Key areas covered included Human Resource Management (HRM) and Cash Flow Management, both essential for effective healthcare service delivery and sustainable facility management.
The workshop provided valuable knowledge, practical skills, and professional insights that will contribute to better workplace performance and improved healthcare services.
We sincerely appreciate this important opportunity and look forward to applying these lessons in our daily work to create a stronger and more efficient health system.
Click here to claim your Sponsored Listing.