Oday Bashe

Oday Bashe

Share

Photos 08/07/2016

+++++++ Jumce mubaarak +++++++
Dhamaan asxasbta Qaaliga iyo family gaba jumce mubaarak

From Burao-Somaliland
By Oday Bashe

Photos from Oday Bashe's post 18/05/2016

SOMALILAND GUULO QARAN IYO QAAYO LAGU GAADH QARNI RUBIHII
____________________________________________________
HANBALYO....... HANBALYO....... HANBALYO .......
____________________________________________________
SHCABKAYGA WANAAGSAN EE REER SOMALILAND
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Ilaahay "SWC" ayay mahad oo dhami u sugan tahay Nabad iyo Qaran madaxbanan oo qiimoleh i siiyay.
Somali land 25 jirsigeeda waxay ii tahay maalin farxadeed habeen damaashad.
dhamaan waxan u hanbalyaynaya shacab waynaha somali land ee dalka Gudihiisa iyo Aduun waynaha Daafihiisaba ku kala nool.
waxan leeyahay ilaahay sanadka sanadkiisa bash bash iyo barwaaqo haynagu gaadhsiiyo.iyo somali land oo Beesha caalamka kamida (Qaranka Madax BANAANA AH).

SOMALI LAND GUUL SOMALILAN GUUL
BY Baashe Mohamed Ismail ( Oday Bashe)
FROM BURAO-SOMALILAND

Photos 28/04/2016

Guddoomiye Cirro oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka
Posted by Hassan Galaydh
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka.

Kulan socday in ka badan hal saac ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ictiraafka Somaliland, Doorashooyinka, iwm. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga la socday ayaa ugu horrayn masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda warbixin ka siiyey taariikhda Somaliland, iyo sida ay ugu qalanto inay ka mid noqoto wadamada beesha caalamka, sidoo kale waxay kala hadleen xasiloonida ka jirta iyo sida ay wadamada gobolka ugala shaqayso dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka dembiyada abaabulan.

Arrimaha weftigu is-dultaagay waxaa ka mid ahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo sidii dawladda Maraykanku ay gacan uga geysan lahayd.
Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Debedda oo ahaa masuuliyiinta qaabilsan arrimaha Geeska Afrika ayaa kala ahaa Peter Lord oo ah ku xigeenka Xafiiska qaabilsan arrimaha bariga Afrika iyo Stacy M. Session oo qaabilsan xafiiska Soomaalida.
Labadan masuul ayaa sheegay inay dawladda Maraykanku diyaar u tahay inay door ka ciyaarto dhinaca doorashooyinka iyaga oo tusaale u soo qaatay mashruuc ay ku bixinayaan hawlaha doorashada.

Weftiga ka socday Somaliland gaar ahaan Xisbiga WADDANI ayaa hordhigay masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka inay xafiis diplomaasiyadeed ka furtaan magaalada Hargeisa sida dawladaha kale.
Arrimaha la isla soo qaaday waxaa Iyana ku jirtay sidii doorashooyin wanaagsani uga dhici lahaayeen gobollada bari, taas oo weftiga ka socday Xisbiga WADDANI ay u sheegeen in Xisbiyada siyaasadda, Golaha Baarlamaanka iyo xukuumadduba ay booqdeen marar is xigxigta gobolladaas iyaga oo ka shaqaynaya sidii diiwaangelin buuxda ay uga qabsoomi lahayd.

Ugu dambayn kulanka ayaa ku dhammaaday jawi is-af-garad ah. Waxaana dhinaca Somaliland kulanka ku wehelinayey Guddoomiyaha xubno ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Dr. Maxamed Cali Cabdi, Xil. Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reyte, Nuura Axmed Weris Wakiilka Xisbiga WADDANI ee Gobollada Virginia, Maryland iyo Washington DC.

Photos from Oday Bashe's post 29/03/2016

my dear classmate
____________________________________________________
Aduunka shay ka qaalasani ma jiro asxaabta Aad class wadaagtaan
DHaqaalayanahada jaamacada Burao

Want your business to be the top-listed Gym/sports Facility in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Burco