Najax Basbaas
29/05/2026
๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ ๐ ๐๐ฆ๐ ๐ฌ๐จ๐ฅ๐จ๐..........................โผ๏ธ๐
Goobtu waa Hargeysa, ammintu waa gelin danbe, waxaan sii galayay mid ka mid ah hudheellada laga cunno cuntada. Waxaan hortayda ka arkay darawal ay ku adkaatay inu gaadhiga parking-galiyo.
Waxa kale oo iga sii horreeyay afar dhalinyaro ah oo isku lebis ah, una muuqday inay isku daโyihiin.
Midkood ayaa ku qayliyay:โWait, waitโฆ TikTok video aan ka duubee.โ Kadibna wuxuu sii raaciyay: โGaadhigan naga h**eeyaa parking-ka ayuu la rafaadsan yahay. Itโs actually funny how heโs trying to park.โ
Isku maan mashquuline gudaha ayaan u sii galay hudheelka, wax yar ka dibna waxay afartii wiil fadhiisteen miis ii dhow. Mid ayaa markiiba taleefankiisa la soo baxay, isagoo duubaya muuqaal: โIโm chilling with my friends. We are hanging out here today.
Wiilkii muuqaalka ka duubay gaadhiga oo goora hanba telefoonkiisa ku mashquulsanaa ayaa ku qayliyay: โEeg, ilaa hadda muuqaalkii TikTok-gayga waxaa daawaday boqolaal qof. Damn! People are actually engaging with my videos.
Najax Axmed Diiriye
27/05/2026
Ciid Wanaagsan ๐๐
Maantoo kale qofkii fariintaada โseenโ ku dhaafa, waxba ha ka xumaan....
wuxuu ku mashquulsan yahay Searching Hilib iyo Qaad..๐
ุนูุฏ ู
ุจุงุฑู ๏ฟฝ๏ฟฝ๏ฟฝ
21/05/2026
Dal doonaya inuu dunida tuso bisayl siyaasaddeed iyo dawladnimo adag, waa inuu kala saaraa โgefka hadalkaโ iyo โcadownimadaโ...
Qof khaldamay waa la dhaliili karaa, waa la sixi karaa, xitaa sharciga ayaa lala tiigsan karaa, Laakiin in si fudud loogu shaambadeeyo โcadawโ ama โu shaqeeye dowladdo kaleโ waxay sharaf dhac wayn ku tahay muwaadinka, waxayna dhaawacaysaa kalsoonida bulshada iyo xorriyadda fikirka.
Qof kastaa wuu gefi karaa. Taasi waa dabeecadda bini Aadamka. Laakiin dawladnimadu waxay qurux yeelataa marka khaladka lagu saxo caddaalad iyo garasho, ee aan lagu sixin fogayn iyo ku summadaynta caddowga dalka.
Somaliland maaha hanti ay koox gaar ahi leedahay, Xisbiga WADDANI ma laha, xukuumadda talada haysaana ma laha, waa Jamhuuriyad uu leeyahay shacabkeedu, kuna dhisan dastuur iyo sharci.....
Najax Axmed Diiriye
Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL
18/05/2026
Siyaasaddu waa tartan, waana lagu kala aragti duwanaan karaa, balse qarannimadu waa hoyga ugu dambeeya ee la wada leeyahay.
Hoggaamiyayaashu marka ay is qadariyaan, isna ixtiraamaan, waxay bulshada baraan in khilaafku aanu ahayn colaad joogto ah.
Salaanta kalgacalka leh ee ay labada masuul Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweynihii h**e Mudane Muse Bihi Abdi is dhaafsadeen waxay ina xusuusinaysaa in Somaliland lagu dhisay isu tanaasul, is ixtiraam, wada hadal, iyo in danta guud laga hormariyo dareenka shakhsiga ah.
Taariikhdu waxay qadarisaa hoggaamiyaha awoodda u leh inuu kala duwanaanshaha siyaasaddeed ka sarreysiiyo midnimada shacabka.
Dadku way illoobi karaan hadallo badan oo la isku mariyay hawada xilliyadii ololaha balse ma illoowi karaan sawir ama muuqaal muujinaya xasillooni, wallaaltinimo, iyo isku duubni qaran ๐๐คโค๏ธโจ
Najax Axmed Diiriye... ( Najax Basbaas )
Madaxtooyada JSL
17/05/2026
๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ซ๐๐๐๐ง๐ .......โผ๏ธ
Xidhiidhka asxaabtu waa sida guryaha oo kaleโฆ
๐๏ธ Qaar dib-u-habayn bay u baahan yihiinโฆ
๐๏ธ Qaar waa in la dumiyo oo dib loo dhiso...
๐ง Qaarna boodh baa lagu dhejiyaa ay ku qorantahay: Waa Xaraash..โ๏ธ
Munaasibada 18 May-ga darteed waxaan goโaansaday inaan xaraasho asxaab badan oo rag iyo dumarba lehโฆ
ka ugu horreeya ee aan suuqa keenayo, beri subaxa ayaan idinla wadaagayaa inshaa Allaah.
Fiiro Gaar ah: anoo u danaynaya macaamiishayda, waxaan u sammeeyay qiimo dhimis 50% ah,
Hal iibso oo hel hal bilaash ah.
Beri 6:00 Subaxnimo xaraashku wuu furanyahay... Inshaa Allaah.
Click here to claim your Sponsored Listing.