Faa'iz Academy - Berbera
06/06/2026
🎓✨ Waxaa si rasmi ah shalay oo taariikhdu ahayd 5 June 2026 usoo gaba gaboobay tababar socday muddo hal bil ah oo ay ardaydan ku baranayeen xirfadaha samaynta shampooga iyo saabuunta jidhka. 🧴🫧
Mudadii uu tababarku socday, ardaydu waxay heleen aqoon iyo xirfad dhab ah oo ku saabsan hababka casriga ah ee loo sameeyo shampooga iyo saabuunta jidhka, laga bilaabo diyaarinta maaddooyinka ilaa farsamooyinka tayada leh ee wax soo saarka. 💡📚
Tababarkani wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha dhalinyarada, laguna dhiirrigelinayo isku filnaansho, hal-abuur iyo ganacsi ay mustaqbalkooda ku dhisan karaan. 🚀💼
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydii dadaalka iyo waqtiga gelisay barashadan qiimaha badan. 👏❤️
Waxaan rajaynaynaa inay xirfaddan ka faa’iidaystaan oo ay bulshada uga noqdaan kuwo wax soo saar leh. 🌍✨
05/06/2026
Jimce wanaagsan 🥰📿
03/06/2026
Imisa jeer ayaad intaad buug soo qaadatay oo istidhi casharadii akhri ama imtixaankii diyaari aad seexatayba 🤣
Faa'iz Academy - Berbera
"FASAXAAGA U BADAL FURSAD WAXBARASHO"
Click here to claim your Sponsored Listing.