Said Gelle

Said Gelle

Share

06/07/2025

[ وَٱسْتَعِينُوا۟ بِٱلصَّبْرِ وَٱلصَّلَوٰةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى ٱلْخَـٰشِعِينَ ]

"Kaashada samir iyo salaad; salaadduna waa ay ku culus tahay addoom aha kuwa khushuuca mooyaane. "

Tani waa adduunyo oo waa hoyga falashada ee maaha hoyga hanashada. Waa hoyga imtixaanka ee maaha ka abaalmarinta. Imtixaannada uu Alle mariyo addoomihiisa waxa ka mid ah; inuu ku sallido musiibooyin; kuwii aynu jeclayn oo aynu waynaa waa musiibo, hanti la'aantu waa musiibo, deriska xun,lammaanaha liita iyo maamulaha dulmi falaha ahina waa musiibooyin. Qofka adkaystaa waa uu ku guulaystaa tijaabada, ka cadhoodaana waa uu ku dhacaa imtixaanka. Lama soo helayo qof ka badbaadaya hadimooyinka adduunka, Nebiyada ayaana ugu imtixaan. badnaa. Taariikhyahannad ayaa soo wariyay: Dulqarnayn ayaa aad u bukooday mar uu tegay magaalada Baabila. Nin weyni wadkii waa uu yaqaannaaye waxa uu garwaaqsaday in ay is-hurran yihiin geeri. Hooyadii ayaa uu xusuustay, waxaanu jeclaystay in uu u dhiso niyadda.Wan weyn ayaa uu u diray, waxaanu u dardaarmay: "hooyo marka aan dhinto, gaurac wankan, hilbihiisa kari, kadibna ugu yeedh qof aan waligii balaayo ku habsan, ama aan waayin qof uu jeclaa." Ammintii uu Alle oofsaday, hooyadii dardaarankii ayay u fulisay, balse waa ay waxa fajiciso ku nogotay in aanu qofna u iman waayo; lama soo helayo guri ka badbaaday balaayo. Hooyadii fahantay dhambaalkii wilkeeda, yada oo u ducaynaysana waxa ay tidhi: "Alle hakuu naxariisto e, waa aad ii samafashay if iyo aakhiraba."

📚Dhambaallada Qur'aanka📩

28/11/2023

QISO IN LA AQRIYO MUDAN

Maanta salaaddi Duhur ayaa wiil yar oo igu ag tukanayay Markii salaadda laga baxay ayaan arkay isagoo ducaysanaya waxaan waydiiyay da'diisa, wuxuu ii sheegay 11 sano jir in uu yahay, haddana waxan ku idhi maxaad Allaah waydiisanaysay? Wuxuu iigu jawaab celiyay waxaan waydiisanayay Allaah in uu hooyday galiyo jannatul firdaws,

waxan ku idhi hooyadaa miyay nooshahay? Wuxuu igu yidhi Maya waxaanu ii sheegay in ay dhimatay isagoo yar waqtiga ay dhimatayna aanu garan karahayn. Wuxuu igu yidhi intaan noolahay waan u ducaynaya haday maanta noolan lahayd cidlo kaligay maan seexdeen ee dhabta hoyadey ayan ku seexam lahaa.

Wiilki wuxu hadalkiisi igu soo gababeeyay imikana ilahay ayaan wehelka ka dhigtaa oo markaan sii sexanayo ayan qalbiga galiyaa ilahayba kula jira mana cabsado sidaasba waagu igu beryaa.Allow Hooyoyinka Muslimka ah Janada ugu Bishaarey. fadlan Aamin dhaha dhamaantiin.

Fadlan Dhah Si Dad Badan U Aqriyaan

xigasho: Mustaf Alcadala

Said Gelle Kuso dhawow page keena i.a waxaan so gelin doona waxyaabo idiin xiiso geliya

Want your establishment to be the top-listed Arts & Entertainment in Bosaso?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Bosaso

Opening Hours

Monday 07:00 - 22:00
Tuesday 07:00 - 10:00
Wednesday 07:00 - 22:00
Thursday 07:00 - 22:00
Friday 07:00 - 22:00
Saturday 07:00 - 22:00
Sunday 07:00 - 22:00