Teerage Media

Teerage Media

Share

02/05/2026

Diginiin

Ciidanka Booliska degmada galdogob ayaa soo saaray digniin ku socota shirkadaha farsamada ee ka shaqeeya mobile-lada, iyaga oo ku amray in aan la jebin karin ama la furfuri karin taleefannada gacanta haddii aan la haysan oggolaansho sharci ah.

Taliska ayaa sheegay in tallaabadan lagu ilaalinayo amniga iyo xogta gaarka ah ee muwaadiniinta, isla markaana cid kasta oo ku kacda jebinta ama furista taleefan si sharci-darro ah ay isla markaana ay muwaadiniinta laga xadey Taleefonadooda ay soo dacweeyaan ay wajihi doonto tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

Digniintan ayaa sidoo kale lagu xusay in shirkadaha iyo farsamayaqaannadu ay hubiyaan in ay haystaan dukumenti caddeynaya lahaanshiyaha mulkiyada taleefanka ama amar ka yimid hay’adaha amniga ka hor inta aan wax farsamo furis ah lagu samayn qalabka.

Ciidanka Booliska degmada galdogob ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si loo dhowro sharciga iyo xuquuqda dadka, si looga hortago falal wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida bulshada.

25/04/2026

Xiriirka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo G/Sare Cabdi-caseer Yuusuf Warfaa wuxuu salka ku hayaa loolanka awoodeed iyo kala aragti duwanaanshaha dastuuriga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamul Goboleedka Puntland. Cabdi-caseer waxa uu ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsan laamaha amniga Puntland, balse saameyn weyn ku lahaa isku xirka qorshayaasha amniga ee heer federaal.

Muddadii uu xilka hayay, G/Sare Cabdi-caseer waxaa loo arkayay sarkaal si weyn u aaminsan nidaamka dhexe ee dowladda Federaalka. Waxaa jirtay dhowr qodob oo muujinayay xiriirkaas:

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda Puntland ee ku aaddan wax ka beddelka dastuurka iyo nidaamka doorashooyinka ayaa saameyn toos ah ku yeeshay booska Cabdi-caseer. Qodobada ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa:​

Kiiska G/Sare Cabdi-caseer Yuusuf Warfaa waxa uu tusaale u yahay caqabadaha haysta saraakiisha amniga ee gobollada marka uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Waxay muujinaysaa in saameynta Madaxweyne Xasan Sheekh ay gaarsiisan tahay gobollada fog, taas oo mararka qaar keenta iska horimaad dhanka maamulka ah.

Telephone