Naadiga Gargaar
01/08/2025
Dhalinyaro dhanka aqoonta iyo garaad-dhiska xooga saara, siyaasad, hogaamin, saami qaybsi iyo magacaabis yaanay noqonin halka aad target-ka ka dhiganaysaan.
U kaca sidii aad aqoontiina u horu-marin lahaydeen, jiilka idinka dambeeyana aad ugu dhisi lahaydeen goobo dhaxal-tooyo aqooneed ah, oo ay dib ugu reeyaan.
Shalay waxaan u fikirray sidaan degmada u toosin lahayn, naadi aqris-na ugu samayn lahayn, maktab dad-waynana uga hirgalin lahayn, balse nala maydaan garan, oo cadaw soo duulay ayaa naloo kiin tusay, rukub ayayna idin tidhi, oo qaarkiin ilaa hadda ayay fiig iyo firxad ku jiraan, oo meel kasta oo laba qofi isugu timaado uga cabsadaan, iyagoo buufiskii iyo khuukhaalkii shalay naftooda saamayn wayn ku yeeshay.
Dhalinyaro: isku tashta, hankiinuna ha waynaado, dhabar-adaygna lahaada. Tabca oo goosta midhaha.
War haddii naadigii shalay tadaamun dadka duufsanaya ahaa, idinku eega mid suufi ah inoo sameeya, oo samaha inagu hogaamiya, dadkeenna iyo dalkeenana horu-mariya.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Telephone
Website
Address
SHEKOSH