BAALI MEDIA

BAALI MEDIA

Share

14/05/2026

WAR DEG DEG

Waxaa Hadda Jeelka garab-Case laga sii daayay Bisle Omar oo kamid ah TikTokerska deegaanka Kaas oo Bil ka hor laga soo afduubtay Magalada Addis Ababa

04/05/2026

Bal Adba Magac u bixi
weerarkan
Political jab Miyaa
Subtle attack Miyaa
Dog whistle (politics) Miyaa
waa fariin Qarsoon oo Buurtu u dirayso ....

30/04/2026

MAREYKANKU ISLAAM SUNI IYO SHIICO, MIDNA MA JECLA!

Goerge W. Bush Madaxweynihii 43-aad Ee Mareykanka Wuxuu Burburiyey Wadankii Ciraaq, Wuxuuna Dilay Hogaamiyihii Awooda Badnaa Ee Wadankaasi Sadam Hussein.

Barack Obama Madaxweynihii 44-naad Ee Mareykanka, Wuxuu Burburiyey Libya, Suuriya & Yemen, Wuxuuna Dilay Hogaamiyihii Ururka Al-Qaacida Osama Binladin.

Donald Trump Madaxweynihii 45-naad Ee Mareykanka, Inkastoo Uu ka Siyaasad Duwan Yahay Kuwii ka Horeeyay, Wuxuu Cunaqabateyntii Ku Adkeeyay Iiran, Wuxuuna Dilay Taliyihii Awooda Badnaa Ee Ciidamada Quds Force Oo Ahaa Farac ka Tirsan Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iran Gen Qasim Suleimani.

Hadaba Maxaan Cashir ka Baran Karna Dilalka Mareykanku Kolba la Beegsanayo Hogaamiyaasha Islaamka Ugu Adadag, Horta Waxaa Muhiim Ah In la Fahmo, Mareykanku Inuusan kala Jeclahayn Muslimka Suni Iyo Shiico labadan, Siyaasadisuna Ay Tahay In Muslimka la Burburiyo Iyadoo la Adeegsanayo Tab Iyo Xeelad.

Waana Siyaasada Ay American-ku Udajiyeen Qorshaha Islaamka lagu Burburinayo Iyadoo Hadba Mid Suniga Iyo Shiicada lala Saaxiibayo, Waxaana Xusid Mudan Markii Mareykanku Sadam Hussein Ay Dileen, Waxaa U Sacabaynayay Shiicada, Halka Maanta Markii Qaasim Suleimani La Dileyna Ay Mareykanka U Sacabaynayaan Sunigu, Taasina Waa Qorshaha Mareykanku Ubaahan Yahay.

Wa Xusid Mudan In Madaxweynayasha Mareykanku Ay Ku Ololeystaan Doorashada Iney Dileen Nin Islaama Oo Saameyn Badan lahaa, Iyagoo Ku Faanaya, Si Ay Markale Kursiga Ugu Soo Noqdan, Waana Waxyaabaha Ummada, Dowladaha Iyo Wadamada Islaamka Ceebeynaya In Kolba Madaxweyne Mareykan Ahi Ku Faano Dilkooda.

FG: K**a Hadleyno Caqiido Waxan ka Hadlaynaa Wadamada Islaamka Iyo Geesiyada Mareykanku Diley!

//WAXAASE NASIIB XUMO AH IN MARKASTA ISLAAMKU NOQDAAN KUWO SACABAYNAYA//

W/Q Shardiid.

Want your business to be the top-listed Media Company in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Addis Ababa